Siyaasiyiin si adag oga Hadlay Go’anadii madasha qaranka ee kusaabsanayd Doorashada

Siyaasiyiintaan War saxaafadeed ay ku saxiixnaayeen Musharaxiinta Madaxweynaha sida C/raxmaan C/shakuur, C/qaadir Cosoble, Jibriil Ibraahim Cabdulle, Saciid C/llaahi Dani, Maxamuud Axmed Tarsan iyo Maxamed Cali Ameeriko ayaa waxay walaac ka muujiyeen go’aanadii Madasha ee hareer marsanaa dastuurka.

Musharaxiinta ayaa sheegay in dastuurka dalka uu dhigayo 54 xubnood oo Aqalka Sare ah, isla markaana aanay macquul aheyn in 72 xubnood laga dhigo, waxaana ay ka digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta arrintan ee kordhinta Aqalka Sare.

Sidoo kale waxaa ay wax lala yaabo ku tilmaameen in 18 xubnood ay soo xulaan Madaxda maamul goboleedyada, kaddibna uu saxiixo Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilligiisa dhamaaday, waxaana arrintan ku tilmaameen mid lagu boobayo doorashooyinka dalka.
musharaxinmusharaxinta

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.