Koley lay dooran maayo afar sano kadib wixii aan qaban karo afarta sano baan qaban,waxaa horey u yiri Madaxweynaha Xilku ka dhamaaday Xassan Shiikh Maxamuud.

jim

Hawraaree in ku yiri nina si kuu qaaday ama aan da,yarta u jilciyee hadaloow nin ku yiri nina si kuu qaaday.!

Hadalka aan qormadaan la wadaagayo ummadda Soomaaliyeed cinwaanka uga dhigay waxa yiri madaxwetnaha xilku ka dhamaaday Xassan Shiikh Maxamuud markii la doortayba,waxaana loo qaatay nin aan rajo ka qabin in uu soo laabto oo mar kale is sharaxo,laakiin ku dadaali doono in wax dhaxalgal ah oo lagu xasuusto ummaadda uga tegi doono ,maxaase dhacay?

Waxaa dhacday halkii laga filaayey in uun gaariga u kaxeeyo in uu ka leexiyey oo dhinac lidkeeda ah u waday,taas oo ahayd in uusan wax dan guud ah maalin kaliya cagta saarin ee daneysi, eex,ninjecleysi iyo qabyaalad uu ku dhameystay afarta sanadood ee uu madaxweynaha ahaa.

Aniga iyo cid kale midna fasiraad ugama baahna ee aan idiin sawiro sida xaalku yahay manta oo afartii sano ka dhammaatay EX madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud dhawr bilood ka hor.

1-Hantidii guud oo ummadda ka dhexeysay ee loo abuuray tan iyo intii xukuumadahii Ajanebiga iyo Soomaalidu dalkaan soo xukumayeen ee magaala madaxda tiilay meesha uu marsiiyey waa la wada og yahay wixii dalka intiisa kale ka jiray haddii wax laga weydiiyo ilama aha in uu meel uu ku sheego garanaayo xilna maba iska saarin.

2-Cadaalada iyo garsoorka meesha uu gaarsiiyey waxaan la wada soconaa in kuwa Alle kacabsigu ku yar yahay ee bililaqada shaqada ka dhigtay intii Xassan Shiikh ku sii jeeday hantida guud ay ayyaguna hantida gaarka ahayd dhaceeda ku foognaayeen.

3-Wixii dalkaan deeq iyo canshuur ka soo galay afar sano wax lagu qabtay daa ,mushaarka yar ee sandareertada ahaa shaqaalaha iyo ciidamada laba iyo toban sanol(12) bilood oo la soo dhaafay lama siin.

4-waxaa la yaab ah in aan mushaar la siin sida xogta lagu hayo xildhimaanada qaranka in ka badan lix(6) bilood sida xogtu igun soo gaartay.

5-Foolxumadaas waxay keentay in ay dhuntay haybadii,sharaftii ,karaamadii iyo muuqaalkii dawladnimada.

6-Waxaa oo dhan waxaa ka faa,ideystay shisheeye iyo cadawga dalka oo damaca xun ee Xassan Shiikh Maxamuud ka helay goldaloolooyin badan oo ay qaranka ka gacma gacmaystaan ayyada oo aanu marayno meel halis ah oo jiritaanka qaranku halis ku jiro.

Hadalka Xassan Skiikh ee cinwaanka sare wuxuu ula jeeday waxay ahayd in dhacb iyo boob sida hanti urursi uga faa,ideysto masuuliyada,uusan marna ku riyoon in uu helayo wuxuuna saadaalinaayey in uusan afarta sano dhameysaneyn ee mar hore inta lagu kaco la tuuraayo.

Haddaba markii uu waayey shacbi la xisaabtama,markii uu arkay wixii lagu sheegay Golaha shacbiga in uu ageegsan karo oo kii sambab loo tuuraa ogol yahay his qabo ,waxaa damac ka galay soo labashadii uu ka dariyey afar sano ka hor,waxaana muuqata in weedhii ahayd Soomaali aad shilin u ahaysid shartiisa ha ka baqin ee odayga reerka iyo kooxdiisa Damu Jadiid ay tahay mid run ah oo aan Baarlamaanka cusubna sida muuqata sidii ari dibaaxa suuqyo ganacsi ay u furteen safafna loogu jiro,balse yaana idiin dayrin shacbyohow niyadii ka dhimaatay ee aan ka war dhawro xaalada halkaas taagan iyo baarlamaanka cusub iyo bal haddii bulshada Alle dareengeliyo in ay danahooda difaacdaan oo qaranka dabaqabtaan uba malaymaayee.
Wabilaahi Towfiiq/Jimcaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.