Muqdisho: Madaxweynaha Punland Oo la dar daaramay Xildhibaanada cusub ee DFS

Madaxweyne Gaas oo uu ku wehelinaayey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, masuuliyiin ka mida goloyaasha Dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland iyo sidoo kale masuuliyin ka mida Dawlada fadaraalka ayaa casho usameeyey xildhibanadaii laga soo doortey Puntland.

Ugu horayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cashada kadib la dar-daarmay xildhibaanada aqalka sare iyo kuwa golaha shacab ka ee Puntland u metelaya baarlamaanka Dawladda Fadaraalka Soomaaliya, waxaana uu ku booriyey masuuliyada saaran iyo shaqooyinka baaxadaleh ee shacabkoodu ka sugayaan, wuxuuna ugu dambayntii usheegey inaya doortaan Musharaxiinta Puntland kasoo Jeeda.
xilpuntlad

xildhpt

xildhip

xildhib

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.