Maxaad kala socotaa Ololaha doorashooyinka Dadban ee soomaliya?

ustaad
” Maadaama la ogaaday innuu jiro isbahaysi ka dhan ah Madaxweynaha, oo ay jirto xulafo adagi waxaa muhiim noqotay in la curiyo sanco xakamaysa hawshaan, kadib waxaa team-ka Madaxweynuhu curiyeen , in musharax kasta laga qaado $30 000 , uunna keeno 20 Xildhibbaan oo kamidda golaha shacabka?”…
“Miyaad fahantay aqriste sancada halkaan ku daahsoon ?”….
Bal adba?”….
” Aqristoow ii ogolaato innaan kuu bidhaamiyo oon ku fahan siiyo ujeedka ku dahsoon sanco ahaan qorshahaan iyo sidda wax la isugu tidcay, sidda caadada u ah qalinka Ustaadka waa lagama maarmaan innuu ustaadku aqriste yaashiisa u bidhaamiyo farsamooyinka maldahan “….
” 20 musharax oo kiiba yahay $ 30000 , oo gaaraya adduun dhan 20 musharax oo lagu dhuftay $30000 , oo lamida $600000 (20×30 000 =600 000), adduunkaan ayaa ah lacag hawl weyn ka qaban karta ololaha doorashooyinka .
“Xildhibbaanada golaha shacabka kubadda waa fahansan yihiin , Xildhibbaan kasta wuxuu lee yahay musharixii saxiixayga raba waa $2000 , marka haddii Xildhibbaanku u saxiixo labaatan musharax arjiga musharaxnimo wuxuu helayaa adduun dhan $40 000 , (20 Musharax oo kiiba yahay $2000 waxay lamid tahay $40 000 )”….
” Aqriste haddaba arrintaanni waa culaab la soo gorsaaray musharaxiinta, waayo $30 000 , oo lagu lifaaqayo arjiga musharaxnimo iyo 20 Xildhibbaan oo kiiba yahay $2000 = $ 40 000, waxay ugu kacaysaa musharaxa buuxinta sharuudahaanni adduun gaaraya $70 000, arrintaan oo keenaysa innay ku adkaato in musharaxiintii qaar ku dhiiradaan go’aan kaan oo aan qawaaniin ahaan waafaq sanayn dastuurka balse loo dhigay innay xakameyso musharaxiinta faraha badan “…
“Aqristoow waxaa dhinaca kale laga garan karaa in sancadaan loogu faa’iideeyay Xildhibbaanada , oo looga diyaarinayo soo dhaweyn iyo in loo sameeyo suuq hor leh iyo fursad lagu samayn karo adduun ka gadisan kii laga heli lahaa musharaxiinta, hadde ogoow aqriste marka laga soo tago adduunkaan gaaraya $70 000 , ee uu musharax waliba ku lifaaqayo arjigiisa , waxaa u taal oo uu Xildhibbaankii walbaa la filayaa in uu ka qaato musharax walba oo uu cod kiisa siiyo gorgortan ahaan adduun dhan $ 200 000 , Xildhibbaan kiiba , halkaas waxaa Xildhibbaanada loo dhigay dabin lagu tusayo in fursada hor leh loogu abbuuray si aysan cod kooda jiho kale ugu la habaabin “….
” Haddaba aqristoow si loo xaqqiijiyo furaha guusha ” >Doorashada Dadban <” , ee keeni doonta Madaxweynaha “> Mustaqbalka Dadban<“, waa kuma Musharaxa leh awooda ah innuu bixiyo 205-ta Xildhibbaan oo min $ 200K ( 205 × 200K = $ 41 000 000 ) , iyo arji musharaxnimo oo gaaraya $70K ?”…
” Maxay tahay ujeedka loo bixinayo adduun gaaraya lacagta kor ku xusan, musharaxase hogaanka dalka ku bixinaya $41 000 000 , maxay tahay sababtu, maxaa laga fili karaa, dowladnimada 5oomaaliya ma waxay noqotay saylad lagu kala iibsado musuqmaasuqa, maxaase dhaqankii dowladnimo ka dhigay musuqmaasuq, dowladda noocaan ah ee waxay la dagaalami jirtay ( Musuqmaasuq) ku faanaysa maxaa laga filan karaa, lacag taas xaggee ka timid , dadka dhibaataysan ee gaajada , oonka iyo abbaarta la dhimanaya wax u danqayaa maku jiraan musharaxiinta?”….
“Jawaabta su’aalahaas waxaan u deynayaa dareenka iyo shacuurta aqristaha ee aqristoow bal adba?”…..
Fg:- Aqriste fadlan haddii ay lacala dhacdo innay kugu xambaarto innaad nala wadaagto arragtidaada fadlan ha noqoto mid hufan.
Mahadsanidiin,
Ustaadka Ummadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.