Madaxweynaha Soomaaliya oo Dhambaal ka helay Boqorka Jordan

Dhambaalkaan waxaa laga siday boqorka dalka Joran Cabdalla A-thani Ibnu Xuseen, waxaana uu soo wakiishay Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka Maalgashiga dalkaasi Dr Jawaad Al-anaani oo yimid magaalada Muqdisho,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaalkaasi uu ka guddoomay Dr Jawaad Al-anaani kadib, waxa uu uga warbixiyey sida Boqortooyada Jordan ay u daneyneyso xoojinta iyo iskaashiga Soomaaliya ay la leedahay, sidoo kale waxa uu ammaanay doorashooyinka Soomaaliya ka socda oo uu ku tilmaamay ham cusub oo loogu gudbi karo nidaam Dimuqoraadiyaddeed oo buuxa, Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa salaan u diray boqorka Jordan, isla markaana ballan qaadey in dib loo hagaagin doono xiriirka tooska ah ee ka dhaxeeya labada dal, sida ugu dhaqsiyaha badan.
jordan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.