Halku Maraya ol-olaha Doorashada 2016 Musharexee ugu Cad-cad? Falanqeyn Iyo Saadal W/Q Ibrahim Gibbs

1. Xasan Sheikh – Waa Madaxweynaha waqtigisa dhamaday waana musharaxa aadka loo hadal haayo in jagadan uu dib u hanto. Sidey wargeys-yada Reer galbeedka qorayan Xasan sheikh waa musharaxa ugu dhaqaalaha badan waxana la tibaxaya in lacag lagu qiyaasay $35 million uu u qoondeyay doorashada madaxditinimada dalka waxana la sheegaya in dhaqalahas eey bixisay Dowlada turkiga Iyo waliba lacag uu aruur-saday 4ti sano uu dalka madaxweynaha ka aha. Xasan sheikh maxmud dhinaca dhaqalaha waa uu ka xoogan yahay balse su’aasha waxa weye ilaa 20 musharax oo isku qadiyad eh oo dhamantod ka wada go’an tahay isbadal , codadkoda markey isku daran ma jabin kara? Aad beey u adag Tahay. Haduu Xasan sheikh rabo in riyadisa u rumowdo waa in uu laba musharax oo codad badan heystan oo Beesha Daarod eh xulufeysi la gala taas oo ka dhigan Cumar Cabdirashid Iyo Mohamed Farmajo midkod (Labaduba xirirku la leeyahay aad beey u lidata oo dagaal siyasaded aya kala dhexeyso). Beesha caalamka aya la rumeysan yahay in eey rabaan in talada dalka loo dhibo Beesha Daarod maadama Beesha Hawiye/Abgaal 8 sano lagu tijabiyay. Madaxweyne Xasan sheikh waxa kasoo horjeedo
oo u midoobay sedex maamul oo kala ah Puntland Jubaland Iyo Koonfur Galbed , waxa xusid mudan in Xildhibanada baarlamanka ee maamul goboled-yada lagu soo doortay 70% waxa eey ku yimaaden rabitaanka madaxweynayasha dowlad goboledyada. Dhibcaha marka la isku dhufto Xasan sheikh waxa eey u muqata in la macsalameyn doono.
2. Mohamed Abdulahi Farmajo – Musharaxan waa musharaxa ugu shacbiyada badan ama eey Ummada soomaliyed ku kalson tahay in uu yahay musharaxa ku haboon xilka madaxweynaha Soomaliya. Balse xaalku saas ma ahan maadama dalka eeysan shacab codeyneyn eeyna codenayan xildhibaano agenda siyaasaded leh Mise mid dhaqaalo. Dad badan aya aaminsana in mohamed abdullahi farmajo uusan heysan dhaqaalo doorasho lagu galo balse sidey qorayan wargeysyada Reer galbedka Musharaxan dhaqalo badan ayuu helay balse lama xusin inta eey tahay iyo halka uu ka helay. Haduu Mohamed Abdullahi Farmajo xulufeysi la sameeyo mid kamid eh musharixinta Beesha Hawiye sida Cabdulqadir Cosoble Iyo Jibril Ibrahim , dhinaca kalana sharif xasan uu balan qaad u sameeyo, micnahedu waxa weye in uu heli doono ilaa Iyo 180 Cod. Haduu ku guul dareysto in uu xulufeysi sameyo waa eey ku adkaan doonta in wareega labaad uuso dhaafo maadama Cumar Cabdirashid Iyo Xasan sheikh eey heli doonan codad fara badan.
3. Sharif Hasan – Musharaxan waa madaxweynaha Koonfur Galbed waana siyasi miisan weyn ku leh masraxa siyasada. Doorashoyinki hore sharif xasan wuxu musharixinta Madaxweyne kula gor-gortami jiray codadka xildhibanada Digil & Mirifle. Balse xaalku sanadkan waa uu ka duwan yahay sidi hore, sharif-ka isaga aya qudhisa musharax eh waxana uu raba in Beelaha Daarod Iyo Hawiye eey midkod qaatan Guddomiyaha baarlamanka. Taas waliged taarikhda Soomaliya kama dhicin lamana saadalinayo balse siyasada wax kaste waa ‘possible’. Sharif xasan aya la rumeysan yahay in uu soo sharixi doono Xildhibaano kasoo jeedo Beesha Daarod sida Cabdirashid Xidig Iyo Cabdi Shire. Musharax Sharif Xasan aya Xildhibanada Digil& Mirifle Iyo Beesha Shanaad ka dha-dhiciyay qadiyad ah in hogaanka dalka uusan kuso kobmin Daarod Iyo Hawiye. Su’asha waxa weye sharif xasan codadka Digil & Mirifle Iyo Beesha Shanaad oo ah ilaa Iyo 85 (dhamantod gacanta uguma jirto) maka cod badin kara 190 cod? Waa maya, balse hadii uu codad ka helo beelaha Hawiye Iyo Dir kana dhaa-dhiciyo in xildhiban u dhashay Beesha Daarod loo caleema-saro Guddomiyaha Baarlamanka wa eey u hirgaleysa riyadisa. Waxana hubaal eh hadii Sharif Xasan uu ku guleysto in uu Guddomiyaha baarlamanka uu ka dhigo shaqsi kaso jedo Beesha Daarod in uu noqon doono Madaxweynaha Soomaliya waxana uu ku guleysan doonan codad kor u dhaafayo 215.
4. Cumar Cabdirashid – Musharaxan waa Wasiirka koowad ee Xukumada calankedu sii dhacayo. Cumar waxa uu kalsoni ka heysta maamulada Beesha Daarod ee Puntland Iyo Jubaland. Sidey qoren wargeysada Reer Galbeedka, Dowlada Imaradka Carabta aya Cumar Cabdirashid u diyarisay lacag dhan $30 million waxana qorshahan tagersan Dowlada Kenya Oo Raisul Wasare CCC rabto in uu joojiyo dacwada badda ee laga gudbiyay Kenya. Musharaxan kuma filno codadka Beesha Daarod oo uu dhamantod heli doonin sida Beesha Mareexan codadkoda oo badankoda aadi doonan musharax Mohamed Abdulahi Farmajo, sido kale waxa jiran Xildhibano Beesha Daarod Oo musharixin kale taagersan. Cumar Cabdirashid aya dhaqalo xoogan ku bixin doono sidu u kasban laha xildhibanada cusub waxana ol-olihisa wado ex taliyihi nisa Cabdulahi Sanbalolshe. Musharax Cumar aya u baahnan doono in uu musharax kasoo jeedo Beesha Hawiye uu xulfeysi kula galo sidu Raisul Wasare ugu balan qaado hadi kale waxa adkan doonto in uu uso gudbo round ka sedexad ee lagu kala bixi doono. Wararka aya intasi ku darayan in Raisul Wasare CCC uu musharax Jibril Ibrahim Abdile uu u balan qaday in uu ka dhigo Raisul wasarihisa hadi uu u keno codad uu ku guleysto.
Isku soo wada duubo waxa socoto ol-olihi ugu xoogana magalada Muqdisho taaso musharixinta doonayo jagada madaxweynaha eey ku kasbanayan xildhibanada baarlamanka Aqalka Sare & Hoose. Lamana ogo halka eey ku dhamaan doonto balse su’aasha is weydinayo waxa eey tahay Yaa Noqon doono Madaxweynaha Soomaliya, Yaa Noqon doono Guddomiyaha Baarlamanka, Yaa Noqon doono Raisul Wasare?? Jawabahas oo idil warbixinada soo socoto kala soco

Ibrahim Abdishakur ‘Gibbs’
London, U.K
Ibrahimmire2@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.