Daawo:Muqdisho Shirkii Madasha Wadda Tashiga Oo Galay Maalintii Seddexaad

Shirka Madasha Hoggaamiyeyaasha dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa maalintii 3aad galay, iyadoo la isku mari la’yahay qodobo ka mid ah kuwa looga hadlayo shirka, Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa warbixin dheer laga dhageystay shirkii shalay, iyagoo faah faahiyay qaabka loo xaliyay 13 kursi oo ka mid ahaa 24 kursi oo horay Beesha Caalamka loo gudbiyay inay ahaayeen kuwo dacwadaha iyo cabashada laga keenay.

Madaxda Madasha iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa isku maandhaafsan sida laga yeelayo 11-ka kursi ee Guddiga doorashooyinka uu dhowaan laalay, iyadoo Madaxda maamul goboleedyada ay dalbanayaan in sidooda loo daayo, maadaama ay raalli ka yihiin.

Arrinta ugu weyn ee Beesha Caalamka ku dhegan yihiin ayaa ah in loo daayo labo kiis oo xubnaha la heysto ah, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in kiisaskaas ay ka mid yihiin dacwada Wasiirkii Dhalinyarada Maxamed Xasan Nuux oo natiijadiisa doorashada ay lalaeen Guddiga xalinta khilaafaadka iyo mid kale oo ah kiiska C/qaadir Gaafow oo la dhashay Taliyaha Nabadsugida Jen. Gaafow oo ka mid ah kuraasta lagu doortay Cadaado ee muranka iyo shakiga la geliyay qaabkii ay ku soo baxeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.