Dagaal u dhexeeya Ciidamada Xoogga iyo Alshabaab oo ka dhacay Goof-guduud

dagaal

Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya,kuwa Koofur Galbeed oo isu dhinac ah iyo Al-shabaab ayaa Saaka ka biloowday Degaanka Goof-gaduud oo 30-KM dhanka Waqooyi ka xiga Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, Dagaalka ayaa la soo Warinayaa inuu ahaa mid aad u Culus waxaana Labada dhinac ay isku adeegsadeen Hubka culus.

Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Ibraahim Yarow ayaa warbaahinta u sheegay in Toban ka tirsan Maleeshiyaadka Alshabaab lagu dilay dagaal ka dhacay Deegaanka Goofguduud isagoo intaasi raaciyay in hadda ay xaaladdu tahay mid degan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.