DAAWO: Iskuulka Al-anwar ee Degmada Garbaharay oo ka qeyb-qaatay,Olalaha Bilic soo celinta ee Degmadaasi ka socda.

Iyadoo Maalmahaan Magaalada Garbaharay ee Xarunta Gobolka Gedo ay kasocdeen Olale bilic soocelin ah ayaa bulshada deegaankaasi waxay u istaageen ka qeybgalka Barnaamijkani.

Maamulka Dugsiga Hoose iyo dhexe ee Al-anwar ee Degmada Garbaharay ayaa mashruucani bilic soocelinta kaga.qeybgalay lacag dhan Shan Milyan oo shilin Soomaali ah, lacagtaas oo ay ugu talagaleen in lagu kordhiyo bilic soocelinta.

Lacagtani ayaa lagu wareejiyay Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumed Maxamed iyo Gudoomiyaha Degmada Garbaharay Nuur Sheekh Maxamed Buraale, kuwaas oo hormuud u ah mashruucani bilic soocelinta.

Gudoomiyaha Gobolka iyo Kan Degmada ayaa si iskumid ah ugu mahadceliyey ardeyda iyo Maamulka Iskuulka Al-anwar kuwaas oo ay ku tilmaameen ineey yihiin dad qaatay doorkoodii shariifka ahaa ee looga baahnaa.

Waxay dhinaca kale baaq u direen Ganacsatada waxgaradka.iyo Ururada Bulshada ee Degmadaasi ka.dhisan kuwaas oo ay ugu baaqeen in ay ku daydaan Ree Al-anwar oo ah goobtii waxbarasho ee ugu horeysay ee ka qeybqaata Olalahani Bilic soocelinta ee ka socday Degmada Garbaharay Usbuucyadii lasoo dhaafay.
Warbixintaan waxaa soo direy Cali Soomaali

alanwar-2

alanwar-3

alanwar-4

alanwar-5

alanwar

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.