Isbitaalka Ciidamada Xoogga Dalka oo dib loo dhisayo +Sawirro

Xaflad loo sameeyay dib u dhiska Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayana ka qeybgaleen Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ,Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Hay’ado ka qeyb-qaadanaya dib u dhiska ayaa maanta lagu qabtay Xaruunta Isbitaalkaasi ee Magaalada Muqdisho.

Xafladda oo ay sidoo kale ka qeybgaleen Madax ka socota Bankraft iyo UNOPS, waxaa ujeedkeedu uu ahaa dhameystirka Mashruuca dhismaha Isbitaalka Xoogga Dalka, waxaana halkaasi hadallo ka jeediyay Wasiirka Gaashaandhiga ee Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini,isagoo sheegay in Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu yahay isbitaal taariikh weyn leh islamarkaana Dowladda Talyaaniga ay weligeed taageeri jirtay.
xogaa

xoga

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.