Hayadaha xuquuqul insaanka u dooda ayaa eedeyn dusha uga tuureen Ngoyada iyo maamulka Jubbaland

Ilaa in ka badan toban haayadadood ka shaqeeya arimaha xuquuqul insaanka ayaa shir ay ku yeesheen magaalada hargaysa ee Somaliland waxaa ay ku baaqeen in ay muhiim tahay in haayadaha caalamiga ah ay ka fiirsadeen cida ay siinayaan fanka ama ay u wakiilanayaan bixinta Gar Gaarka,
NGO,yo maxali ah ayaa lagu eedeyay in ku kaceen falal xad gudub ku ah xuquuqul insaanka ,ayadoo la sheegay in ay jiraan Ururo Maxali ah oo dhaqaalaha loo dhiiba u isticmaala si ka duwan sidii loogu talagalay ,Qaar ka mid ah NGO,yada ayaa lagu eedeyay in ay taakuleeyaan shaqsiyaad iyo maleeshiyaad ka howl gala bartamaha iyo koonfurta somaaliya.

Waxaana ka mid ah eedeymaha loo jeediyay ,sida Iibinta hubka,ka qayb qaadashada arimaha maamulada ee dhanka siyaasada ,iyagoo ku bixinaya qarasha aad u badan oo loogu talagalay in loogu tabaruca dadka danta yare e aan waxba haysan.
Lacago iyo qalab aad u badan oo lagu talagalay dadka barakacayaasha ah ayaa loo isticmaalay si ka duwan sidii loogu talagay.

Haayadaha ka shaqeeya arimaha xuquuqul insaanka waxaa warqad ay u direen qaar ka mid ah haayadaha fanka bixiya ee siiya NGO.yada maxaliga ah ,waxaana ka mid ah haaydaha warqadaha loo diray sida Uniceif ,World divion,Wfp, iyo kuwa kale oo aad u badan.
Intii uu kulanka socday waxaa goobta lagu soo bandhigay cadaymo muujinaya qaar ka mid ah ururada maxaliga oo ku kacaya falal ka baxsan arimaha samafalka.

Ururka xuquuqul insaanka ee faanoole human rights ayaa soo bandhigay cadaymo muujinaya in ay jiraan haayado maxali ah oo tageeraya maleeshiyaad,iyo lacago gar gaar oo lagu iibinaya hub iyo qalab la siinaya dagaalyahano ku sugan koonfurta soomaliya gaar ahaan gudaha maamul gobaleedka jubaland.
1

Qaar ka mid ah magacayada NGO,yada lagu tuhmaya arinkaas ayaa lagu sheegay SHAARO ,SIIDA IYO WISDHA kuwasoo uu fadhigooda yahay dagmooyinka dhoobley,luuq iyo doolow ee gudaha maamulka jubaland.
NGO,yada shaaro iyo siida ayaa lagu eedeyay in ay lacago fara badan ku bixiyeen barnaamijyo ka dhan ah xuquuqul insaanka ,iyagoo lacaga ay bixiyeen loo isticmaalay si qalan,sida in lagu iibiya hub iyo waliba in lagu abaabulo dilal ka dhacay meelo ka mid ah maamulka jubaland.

Karar rukow oo ka mid ah saraakiisha haayada faanoole human rights ayaa shirka ka sheegay in loo baahan yahay in haayadaha fanka bixiya ay ka fiirsadaan cida ay fanka siinayaan ,islamarkaana ay hubiyaan in cida ay fanka u wakiilanayaan ay tahay cid aamin ah ,islamarkaana lagu kalsoonaan karo.

Waxaa intii uu kulanka socday digniin loo jeediyay haayada Uniceif tasoo looga digay in ay ka fiirsato bixinta barnaamijyo la xiriiro arimaha dhalaanka kuwasoo la sheegay in haayada ay doonayso in ay u gacan galiso NGO,YO MAXALI oo fadhigooda yahay dagmooyinka luuq iyo doolow. Dhaqaalaha barnaamijkaasi oo laga yaabo in ay ku baxdo lacag gaarayso ilaa boqolaal kun dollar ayay haayadaha xuquuqul insaanka sheegen in laga cabsi qabo in loo maareeyo si qaldan islamarkaana loo isticmaalo barnaamijyo lid ku ah jiritaanka aadanaha.

Kulankaan ayaa noqanaya midkii ugu horeeyay ee hayadaha xuquuqul insaanka ee ka shaqeeya bariga afrika Ay ku soo bandhigaan digniino noocaan ah,kuwasoo la xiriiro ka hortagida in dhaqaalaha samafalka loo adeegsado arimo lid ku ah xuquuqul insaanka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.