Mid kamida wasiirada Maamulka Fowdada ah ee Galmudug oo iska Casiley Xilkii uu hayey arimo laxariira

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Galmudug Cawil Cabdullaahi Jaamac Ayaa Iscasiley, Wasiir ku xigeenka oo saxaafadda hadal kooban sheegay ayaa ka hadlay sababta keentay inuu iska casilo xilkii uu ka hayay wasaaradda diinta iyo awqaafta Galmudug.
Cawil Cabdullaahi Jaamac ayaa sheegay inuu ku wargalinayo dhammaan dadkii uu ku metalayay xilkaasi inuu isaga tegay.
“Waxaan u sheegayaa dhammaan Soomaalida iyo intii aan xilkaan u hayay ee aan u dhaartay dhammaan reer Galmudug inaan ka tegay xilkii aan ka hayay wasaaradda diinta iyo awqaafta Galmudug waxaana xilka uga tagay inaysan qabsoomin ballanqaadkii aan umadda u sheegnay oo madaxweynaha nagu hoggaaminayay ee ahaa in la helo dib u heshiisiin, horumar iyo Amni intiina waa la waayay waxaana dowladdiina dhan ay noqotay wax aan shaqeynin oo xafiis leh” ayuu yiri Cawil Cabdullaahi.
Wuxuu ku eedeeyay madaxda maamulka Galmudug in shaqadii dowladnimada ay ka dhigeen wax ay ku adeegtaan shaqsiyaad gaar ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.