Degdeg: Aadan Aw-Xirsi Wasiirkii Cadaalada, Awqaafta iyo Dastuurka Jubbaland oo Iscasilay.

Aadan Ibrahim awxirsi,wasiirka Cadaalada awqaafka.iyo dastuurka Jubbaland ayaa goordhaw.shaaciyay iscasilaadiisa.

Wasiir Awxirsi ayaan sheegin sababta uu isu casilay, balse waxaa la filayaa in uu jiro isku dhac dhexmaray isaga iyo axmed madoobe.

Gedotimes ayaa isku,dayday,in ay,la xariirto wasiirka iscasilay balse nooma suuragalin inaan,helno.

Isla maanta ayuu Nairobi u duulay.

Sidoo kale waxaa jirta warar.sheegaya in Wasaaradaasi lagu wado in loo magacaabo Dr Ibrahim Sheekh cabdi Buugsite oo ay isku hayb yihiin wasiirka iscasilay.

Axmed Madoobe ayaa lasheegayaa inuu aqbalay istiqaalada uu soo,gurbiyay,Wasiir Cirro, isagoo uga mahadceliyey mudadii ay soo wada shaqeynayeen ee sanadka ku,dhaw.

xogo la.xiriira iscasilaada wasiir Awxirsi kala soco Gedotimes Insha allah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.