Wasiir ka tirsan Maamulka Galmudug oo Cadaado lagu xiray markuu u adkeysan waayeye fawdada Galmudug

Waxaa soo badanayeey fawdada iyo musuq maasuqa ay wadaan maamulka Galmudug taas ayaa keentay Ciidamada Amisom ee ushaqeeya maamulka Cadaado ayaa Maanta Magaalada Cadaado Xabsiga dhigay Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Galmudug Maxamed Maxamuud Guure iyo Saddex Qof oo la sheegay in ay kamid yihiin Taageereyaashiisa, Xariga Wasiirka ayaa yimid ka dib markii Ilaaladiisu ay Rasaaseeyeen Xarunta ay ka socoto Doorashada Xubnaha Golaha Shacabka ee Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka la xiray Mudane Maxamed Maxamuud Guure uu doonayay inuu ka xeysto Nin Nabaddoon ah oo ay isku Heyb yihiin si Nabaddoonku uu Wasiirka ugu saxiixo inuu u tartamo Xubnaha Aqalka Hoose ee Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.