Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Jubbaland Cabdi Raage waxa uu is hor taagay Saaxafada madaxa banaan

rage

Xili maanta ay bilaabatay doorashada xubanaha aqalka hoose ee dowlada fadaralka qeybta ay ka heshay jubaland ayaa gudiga doorashooyinka dadban ee jubaland gaar ahaana gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Abdi Raage waxa uu is hor taagay Saaxafada madaxa banaan ee ka howlgasho deegaanada jubaland iyadoona uu amar military iyo awood sheegasho u adeegsaday saxaafada.

Cabdi Raage oo kasoo jeedo beesha Reer Cabdule ee ogaadeen ayaa musuq maasuq baahsan ku wado habka doorashooyinka hadii ay ahaan lahayd tabinta warbaahinta madaxa banaan iyo beelaha la duud siiyey xaquuqdii ay ku la haayeen kursiga aqalka hoose ee faderalka.

Musuq maasuqa baahsan ee uu wado amarku taaglahaan is biday in aan lala xisaabtami doonin ayaa faraha la soo galay Xaquuqdii warbaahinta madaxa banaaneyd ee jubaland.

Tacadiyadan foosha xun ee loo geystay saaxafada ayaa caadi ka ah Mamulka jubaland halka dunida caalamka ay ku tahay waxuushnimo iyo fool xumo aduun.

Diidista warbaahinta madaxa banaan ayaa ku soo beegantay xili ay kulmeen aragtida qayaxan ee musuq maasuqa doorashada aqalka hoose ee faderalka qeybtooda jubaland iyadoo beelaha somaliyeed ee ku nool deegaanada jubaland aysan si cadaalad ah uvu sineyn xaquuqdii ay ku lahaayeen aqalka hoose ee barlamanka faderalka somalia sidaas darteedna warbaahinta looga cabsaday in ay tabiyaan sida ay wax u socdaan.

Warbaahinta caalamiga ah ee gedotimes ayaa isha ku hayso xoga ka soo cusboonaado tacadiyada ka dhanka ah saxaafada iyo musuqa baahsan ee ka socdo jubaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.