Taariikhdii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre By Suldaan Warsame Xasan Socdaal (dharyoole)

Taariikhdii madaxweyne maxamed Siyaad Barre
Major general Maxamed Siyaad barre wuxuu ku dhashay Degmada Shilaabo sanadkii 06/10/1919. Major maxamed siyaad barre wuxuu ahaa hogaamiye awood badan oo milatari ah,Wuxuu noqday madaxweynaha Soomaaliya 1969.
Major Barre isagoo 10 sano jir ah ayey dhinteen labadiisa waalid ,qoyskoodu wuxuu ahaa xoolo dhaqato geel badan ayuu qoyskooda lahaayeen.Runtii nolol wanaagsan ayuu ku soo barbaaray ,wuxuu ahaa nin qiimo weyn ku leh qoyska xaga talada iyo xaga goaan qaadashada intaba Major barre wuxuu go,aan ku gaaray inuu mustaqbal wanaagsan gaaro .Magaaladii ugu horaysay ee uu soo galay waxay ahayd magaalada Luuq sanadkii 1930.

Major Barre wuxuu dugsi hoose dhexe kaga baxay degmada Luuq ee gobolka gedo sanadkii 1936 ,wuxuu dugsi sare u aaday magaalada Muqdisho ,Major Bare wuxuu ka mid noqday milatariga Soomaaliya Sanadkii 1940 British Military administrations of Somaaliya .wuxuu sheegtay inuu ku dhashay garbohaareey si loogu qoro militariga .Major Barre wuxuu kooras waxbarasho u aaday dugsiga tababarka milatariga ee ku yaalay Nakuru Kenya sanadkii 1943.

1950 Major Barre wuxuu kooras waxbaarsho labo sano ah u aaday dalka Talyaaniga .Karbiyeeni boolis iskuul administration .
1960 wxuu kooras waxbarasho u aaday midowga soofiyeeti isagoo soo bartay Abuukaatanimo .Major barre wuxuu noqday taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed sanadkii 1965.
Major Bare Runtii wuxuu ahaa Masuul ilaaliyo sharciga iyo nidaamka dalka u yaalay Wuxuu sidoo kale ahaa nin ay aad u jeclaayeen ciidamada qaranka Soomaalieed ,wuxuuna ahaa Muxaafid daacada ah oo horu socod ah isla markaana wadaniyadu ku weyn tahay .Major bare wuxuu ahaa nin xarago badan deeqsi ah ,cod kar ah oo goaan qaadasho dhow .
Sanadkii 1969 markuu qabtay hogaanka dalka shacabka Soomaaliyeed waa shakiyeen laakiin markay arkeen waxqabadkiisa iyo daacadanimadiisa ayey kalsooni buuxda siiyeen,taas oo dhalisay isla talaabo qaad dawlada iyo shacabkeeda .

Major barre waxaa lagu naanaysi jiray Jaalle Siyaad .Guulwade Siyaad ,Aabe Siyaad .
waxqabadkii Major Geneaal Maxamed Siyaad barre 1969–1988
1. Major Barre wuxuu abuuray bulsho kacaan ah oo midaysan , walaalo ah oo hal aragti iyo hal ujeedo leh oo hanti wadaag ah.
2. Wuxuu xooga saaray sinaanta,cadaalada iyo midnimaa umada ,wuxuuna duugay qabyaaladii si umada soomaaliyeed u sinaato cadaaladna loogu wada noolaado.
3. Wuxuu xooga saaray xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed isagoo sameeyey hayado sharci ah oo ilaaliyo xaquuqda baniaadamka .wax walbo sharciga ayaa ka sareeyey .
4. wuxuu xooga saaray soomaali hidaheeda iyo dhaqankeeda isagoo u sameeyey maktabado lagu kaydiyo hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed. dowlada major bare waxay abuurtay nabad dabiici ah
5. Wuxuu abuuray ciidamadii ugu awooda badnaa Africa, kuwaas oo ahaa kuwo ka dhisan xaga muraalka ,xaga dishbiliinka xaga tababarka iyo xaga wadniyada kuwaasoo awoodooda aan la liicin karin.
6. 1974 wuxuu soomaaliya ku daray midowga carabta si dhaqanka islaamka uu u noqdo mid sugan
7. wuxuu adkeeyey Calankii buluuga ahaa ee shanta xidig lahaa inuu ka babado golaha amaanka isagoo sumcad iyo sharaf weyn aduunka ku leh.
8. Wuxuu abuuray shaqooyin aad u badan waxabarsaho lacag laan ah, caafimaad lacag la,aan ah iyo daryeelka dumarka iyo dhalaanka gaar ahaan ,agoonta oo loo sameeyey iskuulo boodhin ah oo lagu xanaaneeyo .
9. Wuxuu muqdisho iyo meel kale ku abuuray geedo dhan 267 higtar ,si cimilada iyo bayada u noqoto mid wanaagsan . Dowladii major barre waxay qoday ceelal badan dhamaan gobolada soomaaliya si loo yareeyo dagaalada ku saabsan daaqa iyo biyaha.
10. Wuxuu badbaadiyey 90.000 -qoys oo ay ku dhufatay abaartii dabo dheer sanadkii 1974.caynabo ila hobyo ,dadkaasna waxay dawladu dajisay Jubada hoose iyo jubada dhexe .waxayna u samaysay mashaariic ah kaluumaysiga iyo beeraha .
11. Major barre Wuxuu ahaa hogamiyaha midowga Africa OAU.Sanadkii 1974, wuxuu ku guulaystay in dawlado badan oo afrika ah uu u soo celiyo xornimadooda .
12. Dawladii Major Barre waxay si buuxda ugu dhawaaqday in dalka Soomaaliya uu isku filnaan buuxdo gaaray oo aan dibada waxbo ooga baahnayn.
13. Major barre dawladiisa waxay adkaysay qaacidada asuuliga ah ee ay ku tiirsanaayeen nidaamka dawliga ah Si Cilmi ku dhisan.waxay garatay sida dadka loo kiciyo ama loo dajiyo ama waxa keeni karo wada shaqayn iyo is afgarad.
14. Dawladii Major bare waxay si weyn ula dagaalantay Musuqmaasuqa,afmiinshaarka ,dib usocodka iyo Cunsuriyada , Burcada IWM.
15. Dawladii Major Barre waxay abuurtay dhaqaale baaxad weyn iyadoo dhistay kaabayaal dhaqaale sida warshadaha ,Deekadaha ,ayraboorada iyo canshuuraadka.waxay maalgalin ku samaysay mashruucyo waaweyn si loo hormariyo dalka.
16. Major barre wuxuu aaminsanaa inay muqadas tahay midnimada ummada soomaaliyeed.wuxuu aaminsanaa in la isu keeno shanta soomaliyeed ,xisbiga hantiwadaaga kacaanka Soomaaliyeed waxaa loo sameeyey inuu isu keeno shanta Soomaaliya ,
17. Major barre wuxuu dhisay magaalooyinka waaweyn sida Muqdisho.muqdisho oo ahayd markaas carshaan iyo mitirkuubo .dawladu waxay awooda saartay in magaalo madaxda ay noqoto mid bilicsan .islamarkaasna bangiga dhexe ayaa wuxu bixiyey amaah dawladuna waxay ku qasabtay in guryaha birimada ah hadaan la dhisan ay dawladu la wareegi doonto taasoo keentay in ay dhismaan guryo bilicsan oo indhaha soo jiito.
18. Dawladii Major Barre waxay la dagaalantay anshax xumada ,fisqiga caadaxumada iyo in aan lagu faafin karin diin aan diinta islaamka ahayn wadanka .
19. Dawladii Barre waxay bulshada bartay in la is kaashado,waxayna abuurto barnaamij la yiraahdo iskaa wax u qabso taas oo dawlada mudnaan iyo tixgalin ay ku siinaysay muwaadiniinta dalka daacada u ah.
20. dawladii Barre waxay xooga saartay horumarinta afka soomaaliga miyiga iyo magaaladabo,waxay tababartay 2500 arday iyo 3000 milatari ah oo gaarsiiya dhamaan gobolda dalka .tasoo dhalisay inay dadku bartaan inay wax qoraan waxna akhriyaan.
21. Dawladii Major Barre waxay adkaysay dhamaan xuduudaha dalka waxyna aaminsanayd in xuduudyadii ingiriisku uu sameeyey ay ahaayeen xuduudyo beenaaad.

Taariikhda Major Maxamed Siyaad bare maahan mid lagu soo koobi karo buug iyo qalin ,Runtii wuxuu umada soomaaliyeed ooga tagay taariikh ay ku xasuusan karaan
Waxaan oran karnaa Major Barre in uu ahaa daruur da,aday xili abaar adag ay jirto oo dalka iyo dadkaba ku doogsadeen.

Umadaha caalamka taariikhda hogaamiyaasha horusocodka ayaa loogu xurmeeyaa taariikh wanaagsan,taariikhdi mudane maxamed Siyaad barre waxaan aaminsanahay hadii Cudurka qabiilka soomaaliya ka baxo in mustaqbalka jiilalka danbe ay casharada iskuulada ku qaadan doonaan.

waxaan balanqaadayaa in aan ka qori doono buug dhaxalgal ah taariikhda aabe Siyaad ,waxaa kaloon balan qaadayaa inaan xusi doono 21 Octoobar sanad walbo.
waxaan ka codsanayaa walaalaha Soomaaliland iyo Puntland anigoo ah Suldaan ka mida suldaanada Beesha Sade ahna Curadkii sade waxaan ka codsanayaa xiligii uu talada hayey hadii ay jiraan inuu ciidankiisa gaystay tacadi inay iska cafiyaan .

Waxaan kaloo Dhamaan umada Somaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ka codsanayaa inay is cafiyaan allana u noqdaaan.
Waxaan ugu baaqayaa sisyaasiyiinta ku hardamaayo talada dalka maanta inaan loo baahnayn nin hanti doon ah ama sumcad doon ah iyo dhidir mabda kale xanbaarsan bulshada maanta waxay u aahan tahay hogaamiye afraad oo uu dalka yeesho.

Hohaamiyaashii dalka soo maray aadan cabdule Cismaan ,C/rashiid cali Sharmaake iyo Maxamed Siyaad bare.intaba ilaahay waxaan ooga baryaya in ilaahay u naxariisto janadii fardowsana ka waraabiyo.
Waxaan Alle ka baryeynaa in arimaheena uu tawaliyo midka noogu akhyaarsan, ilaahow talada ha noogu dhiibin mid shar badan.

Wabilaahi Towfiiq.

Suldaan Warsame Xasan Socdaal (dharyoole)

Tell: 0615569724
tell: 0722336175

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.