Rasaas Goos Goos ah oo Saaka laga Maqlayo Magaalada Gaalkacyo

dagaal

Wararka Saaka laga helayo Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Galbeedka Magaalada uu ka soconayo Dagaal Goos Goos ah oo u dhexeeya Ciidamada Maamulada Puntland Galmudug.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Rasaasta laga maqlayo Galbeedka Magaalada islamarkaana Ciidamada Labada Maamul ay Goobihii Shalay ku Dagaalameen ay isku hor fadhiyaan.
Shalay ayaa Magaalada waxaa ka dhacay Dagaal Culus oo la isku Adeegsaday Hubka Culus.
Ma jirto wax Waan waan ah oo u dhexeeya Maamulada Magaalada wada dega Magaalada Gaalkacyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.