Daawo:Ha iloobin 21kii Oktoobar 1969kii By Cabdulaahi Jimcaale

jim

Sagaal sano oo u muuqday khasaaro ka dib ka hoos bixii gumeysigii Ingiriiska iyo talyaaniga oo ay midoobeen labada gobol ee Koonfurta iyo Waqooyiga,oo ay sabab u ahayd koboc la,aan dhan kasta ah ee arimaha bulshadu sida caafimaadka,waxbarashada iyo amniga oo ay hareeyeen colaado qabyaaladeed oo xataa ka dhici jirey magaalamadaxda Dalka ee muqdishow,ayaa goor saacadu ahayd 9.oo subaxnimo waxaa shacbigu ka warheleen in 3.oo subaxnimo aroortii hore ciiddamada qalbka sida la wareegeen awoodii Dalka ayada oo haba yaraatee uusan wax dhiigihi ku daadan.

Shacbiga oo ahaa kuwo ay daashadeen daryeel la,aan,sida caafimaad la,aan,waxbarasho la,aan biyo nadiifa la,aan oo meelaha kale iyo gobolada Dalka iska daaye xataa magaalamadaxda Muqdishow aan laga cabi jirin biyo nadiifa,nabadgelyo xumadunan waxay ka taagnayd dhammaan Dalka oo idil,intaas waxaa sii dheeraa dhaqaale xumo baahsan iyo shaqo la,aan,nolasha Dalka taalay waxay ku koobnayd madaxda sare ee Dalka kaliya,is kastaba dadkii Soomaaliyeed ee madluunka ka ahaa xaalada lagu sugnaa waxay ku soo dhaweeyeen farxad iyo bogaadin,waxay banaanka u soo baxeen ayga oo ciiddamada u muujinaaya taageero tilaabada ay qaadeen ciiddamadu ,waxay faraxad iyo caleemo qoyan la hortageen Xaruntii taliska XDS ee Avisione,halkaas oo ay qudbado ka jeediyeen kulana hadleen shacbigii sarakiil ka tirsanayd XDS,dadkuna guryahoodii rayrayn kula laabteen.

Kacaankii 21kii Oktoobar iskama imaan ee waxaa keenay baahi loo qabay dhanka kale wuxuu ka mid ahaa kacaanadii ka dhacay dunida Sadexaad ,gaar ahaan qaarada Afrika oo gumeytihii ka dib ku sugneyd gumeysi cusub oo aan waxba ka bedelnayn kii hore(new colonialism) oo dhaqaalaha iyo siyaasada labadaba laga hagaayey lagana faaideysanaayey dhaqaala ahaan.

Balanqaad bay saraakiishii kacaanku bulshada u sameeyeen in isbedel deg deg ah laga samayn doono dhammaan dhinacyadii horumarku ka liitay,ee dayacmay sagaakiil sano.

Guulihii Kacaanka

1-Waxay dhiirigelyeen aqoonyahanadii tirade yaraa ee Soomaalida oo lagu dhiirigelyey in shaqo ay qaban karaan aan qof ajanabi ah loo dhiibin ayaga oo badi ahaa shaqo la,aan inta yar oo shaqaysaana qof ajanabiya caawiye u ahaa dhan kasta.

2-Waxay dhiirigeliyeen in dadku ka qayb qaadan karo horumarka Dalka sida barnaamijdkii

Iskaa Wax u Qabso.

3-Waxay gacanta shacbiga ku soo celiyeen khayraadkii iyo ilihii dhaqaalaha ee shisheeyahu manaafacaadsanayey.

4-waxaa abuurmay cudud shaqaale oo aan horay u jirin loona sameeyey urur shaqaale(Xiriirkii Guud ee Ururada shaqaala Sooamaaliyeed) ,ayyada oo loo abuuray goobo shaqo sida haya,do,wershado iwm.

taas oo ay dhinac socdeen ururadii kale ee bulshada sida uruka dhalinyrada Soomaaliyeed iyo uruka Haweenka Soomaaliyeed ,ku was oo aan meel ku lahayn in ay ka qaybqaataan talada iyo siyaasada Dalka.

5-Waxaa si deg deg ah loo abuuray caafimaad lacag la,aan ah oo gaaray degmooyinka iyo tuulooyinka waaweyn ee Dalka.

6-Waxaa ayadana si xawliya u kobcay goobaha waxbarashada sida dugsiyada kala duwan iyo kuliyadaha Jaamacadii ummadda Soomaaliyeed,oo waxbarashadii dibada loo aadijiray intii badnayd dabooshay .ayyada oo ay dhinac socotay qoristii afka soomaalida iyo olalihii la dagaalanka wax qorisl la,aanta ee lagaarsiiyey reer miyiga,ayyada oo waliba loo sii diyaarin jirey ama loo sii abuuri jirey meeshii ay u sii shaqo tegib lahayd ardayda ,dugsiyada sare iyo jaamacadaha ka soo baxay, halka kuwa dugsiga dhexena la siin jirey fursado shaqo Haddii ayan waxbarashada sii wadan Karin,taas oo ayaandarada maanta ay ku ledaan saharaha iyo badda ayaga oo tahriibaaya markii ay waayeen meel ay u shaqo tagaan.

7-Waxaa si lama filaana u koray cududii ciidamada qaranka ee qalabka siday,oo mudo kooban noqday kuwo ka dhismay dhul ,cir iyo badaba iyo Boolis iyo nabadsugid ku filan amaanka gudaha,kuwaas oo ka hormarsanaa ciidamada dunida sadexaad inta badan gaar ahaan qaarada Afrika,waxaa xusid mudan dagaalkii 19977kii mudadii koobnayd oo ciidankii Itoobiya oo loo yiqiin Libaaxii Afrika in ay burburiyeen ,una badeleen bisadii Afrika.

8-Culimada Soomaaliyeed ,sugaanlayda iyo bahda sboortiga ayaa waxay heleen fursado kor loogu soo qaaday abaabulkooda iyo in ay ka qayb gaybgalaan munaasibada ,tartamo iyo shirar caalamiya oo hawlahooda quseeyey.

Isku soo wadaduud guulahaas lama filaanka ahayd waxaa la gaaray 21kii Oktoobar 1969kii ilaa 9kii Abriil 1978kii,taas oo keentay in naloo quuri waayo horumarka baaxadaas leh cadawga ummadda Soomaaliyeed oo ay hormuud u ahaaayeen quwadihii waawaynaa iyo midka soo jireenka ah ee Itoobiya isku kaashadeen in nala burburiyo ayyada oo daraasada ay sameeyeen naloo adeegsado( kansarka Soomaalida ee ah Qabyaalada). Dadka ummadda Soomaaliyeed wanaageeda aan jeclayn,cadawgeeda iyo danaystayaasha ay ku shaqaystaan,wanaagaas oo dhan inta dabool saaraan bay waxay kaliya ka sheekeeyaan wixii dhacay intii ka denbaysay o9/o4/1978kii,dhacdooyinkaas oo ahaa shirqoolkii cadawga Soomaaliya noo maleegeen,loona adeegsaday danaystayaal iyo dhuuniraacyo qalab ka dhiganaayey qabyaalada,ugu danbayntiina dhammaanteen in aan ka wada qaybqaadano nala gaarsiiyey oo aan qarankayagii gacmahayaga ku burburiney

Ugu danbayn dadka Soomaaliyeed ha ku baraarugeen in la gaaray xili xun oo aan halis ugu jirno in dalkayaga uu dhaxalwareego una gacangalo cadawga soo jireenka ah markii dhexdeena laga abuuray nacayb xaddhaaf ah oo aan sabab lahayn isla markaasna nala ilowsiiyey guulihii halgankii Soomaalida ee sharafta iyo qabka dadkayaga lagu qaymayn jiray sida, halgankii Axmed Gureey,Daraawiishtii,SYL iyo SNL iyo ugu danbayn kacaankii 21kii oktoobar oo dhammaantood ah kaydka hantida taariikhda Soomaaliyeed,Haddii aan mid ilowno waxay la mid tahay annaga oo dhamaantood xoornay,gaar ahaan

dhalinyarada yaan laga luminin tubta halgankii ummadda oo ah wadada ay ku difaacan karaan qaranka iyo midnimada Soomaalida,ugu danbayn dhalinyaroy siyaasiga qabiilka ka dhiganaaya in uu naga dhigto kaabad uu danihiisa ku gaaro gaarka ah oo aan dal iyo dad midna dan kalahayn sida madaxda maanta qayb kasta oo Somaaliya ah joogeene ha ka yeelina in ay dhumiyaan dhaxalkayaga,bal eega kala qaybinta nala ku sameeyey iyo calamada kala duwan ee noo kala suran,sow qaybi oo xukun maaha ,ma waxaan qaadanaa oo raali ka noqonaa inta taariikhihii ummadda nala ilowsiiyey in Magaalada Gaalkacyo laga dhigay Qudus,Kaashamiir,Baarliintii Hore iyo Qubristii markii danbe la kala qaybiyey? Ogaada arimahaas oo dhan cadawgii shalay waxaad ahaydeen idiin quuriwaayey iyo damiirlaawayaashii damaca waalnaa oo uu adeegsaday baa ka danbeehya.Hoose ka daawo guulaha iyo sharaftii kacaankii Oktoobar.
Wabilaahi Towfiiq/Cabdullaahib Jimcaale Faarax.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.