Madaxwayne ku xigeenka jubaland oo kalsoonidii lagala noqday . video+sawiro

sayid

Beesha sade ayaa markii ugu horaysay waxaa ay shaaca ka qaaday in ay kalsoonida kala noqotay madaxwayne ku xigeenka maamulka jubaland maxamuud sayid aadan .
Shirar iyo kulamo sacadihii ugu danbaysay ka dhacay gudaha dalka iyo dibada ayaa beesha waxay isku raacday in ay kalsoonidii kala noqotay madaxwayne ku xigeenka maamulka jubaland .
Qodobada beesha ay ku eedeysay madaxwayne ku xigeenka waxaa ka mid ah ,in uu iibsaday kuraastii aqalka sare ee beesha ay la ahayd , in uu iibsaday raashinkii gar gaarka ahaa ee uu lahaa gobalka iyo qodabo kale.

Kulamadaan beesha sade ay kalsoonda kala noqtay madaxwayne ku xigeenka ayaa ku soo beegmaya xilli beesha ay ka biyo diidsan tahay qaabka loo qaybiyay aqalka sare ee beesha ay ku lahayd dowlada dhexe ee dalka, Gudi heer caalami ah oo beesha ay u saartay in ay soo xulaan cida badalaysa maxamuud sayid ayaa la filayaa in ay soo bandhigaan Maalmaha so socda islamarkaana ay keenaan shaqdsiyaad ku haboon kursigaas ,si beesha ay u hesho barnaamijyadeeda laga ma maarmaanka ah ee ku wajahan wax qaybsiga dhismayaasha dowliga ah ee ka socda gudaha dalka somaaliya.
Hoos ka Daawo codka ugaas maxamed ugaas xasan yarow.

karar rukow.
maxamedrukow@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.