Deg Deg:- Ahlusunna oo Dagaal kula wareegtay Degaanka Godinlabe iyo Ciidamadii Galmudug Oo cadaado u cararey

Dagaal u dhexeeya Ciidamada Maamulka Galmudug iyo Maleeshiyo Garab ka helaya Maamulka Ahlusunna ayaa ka dhacay Degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud,waxaana Dagaalka uu ka dambeeyay ka dib Markii Koox Maleeshiyo ah ay halkaas Isbaaro dhigatay,iyadoo Ciidamada Nabad Sugidda Galmudug ay Weerar ku soo qaadeen Maleeshiyaadka Jidgooyada dhigtay.

Dagaalka ayaa waxaa ku biiray Ciidamo wata Gaadiid Dagaal oo aad u badan,kuwaas oo ka baxay Degaanka mareergur ee Gobolka Galgaduud islamarkaana ka tirsan Maamulka Ahlsunna.
Ciidamada Ahlusunna ayaa la wareegay Gacan ku haynta Degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud,waxaana Ciidamada Galmudug looga saaray Magaalada Dhanka Magaalada Cadaado.
Mas’uuliyiin ka tirsan Ahlusunna ayaa sheegay in ay hayaan Ciidamo ka tirsan Galmudug oo Dagaalka ay ku qabteen iyo Hub sida ay hadalka u dhigeen.
Waxaa sidoo kale jira Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay Dagaalka ka dhacay Degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.