DegDeg:Ciidamadii Galmudug oo Firxadkoodii Soo gaarey Cadaado iyo Dagaalkii Balicad oo soo Dhamaadey

dagaal

Waxaa istaagay daagalkii saaka iyo galabta ka dhacay deeganka balicad oo ka agdhow degmada dhabad iyo Caabudwaaq Ciidmada Galmudug ayaa soo weerarey dad xoolo dhaqato ah iyakoo boobay xoolahoodii dilna ugestey shacabka deegaankaas.
Ciidamo badan ayaa kasoo gurmaday Caabudwaaq iyo dhabad halkaasna waxaa kabilowday dagaal la isku adeegsaday hub culus ayadoo gurmada labada dhinacba ay kusii qul qulayaan meesha dagaalka kasocdo ugu dambayntii ciidamadii Galmudug ayaa goobihii iska cararay , dhimashada labada dhinac ayaa kor udhaafaysa ilaa 10 qof halaka dhaawucuna uu intaasi kasii badanyahay.

Maamulka Galmudug ayaa dagaalo kala duwan uga socdaan Gaalkacyo, Godinlabe, Balicad lama oga dagaaladaan meeshey ku dhamaan doonaan walina Galmudug kama hadlin dagaaladaan ugu dambeeyey sida Balicad,iyo godinlabe

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.