Federaalka Soomaaliya iyo xukunkii gumeystaha xaggee iskaga egyihiin? By Jimcaale

jim

Ninkii ahkristay iyo inta tirada yar oo dhaqankii gumestayaasha goobjoog u ahaa waxaan la wada soconaa in gaaladii caddaanka ahayd ee ina qaybsatay barqacad la soo degeen ciidamo iyo hub culus kuwaas oo shanmeelood nook ala jaray ,waxaana si khasab ah loo meelmariyey kala qaybintaaas ayada oo aan waxba nala weydiin .

Waxaan la soconaa in ay jireen dad aan marna is dhiibin oo u arkaayey in geyiga Soomaalida waxa lagula kacay tahay foolxumo keeni doonta cawaaqibxumo aan laga soo kaban Karin,taas oo dhaxalkeeda aan ilaa maanta hayno.Waaa sababtii dhalisay kacdoonadii daraawiishta ,SNL , SYL iyo ugu danbayntii kii 21kii Octoobar 1969 oo dhammaantood ku wajahnaa raadinta dib u middeynta Soomaaliweyn.

Dhanka kale waxaa jiray kuwo diirka iyo dhalashada Soomaali ka ah oo gumeysiga raali ku ahaa lana shaqeynaayey in duleysiga Soomaaliya ku waarto,waxaa jirey erayo ay reebeen ,kuwaas gala raaca ahaa aragtidoodana salka ku haysay dana gaar ah,erayadaas waxaan ka xasuustaa kuwa hoos ku qoran;-

!- Waa siddii aar libaaxe bal yaa ku aada Ingiriis.

2-Markab buuxa maanyo keene Maaldeetiyow lagaama maarmo.

3-Mandiiro miney timaado Bari baa loo tukaa.

4-Naag cad oo dhali weysay oo dhawaan Ebbe wax siiyey,dhabta wiil cad ku haysa, sideed adaan kaa dhursugaayey Duyuugii Ingiriiskow xaggee kaa dhunkadaa.

Dhanka kale waxaa nooga tegey erayo iyo taariikho lama iloobaana oo inta wadaniyada iyo damiirka Soomaaligaa ee weli nool leh aan qalbiyadooda ka go,ayn,suugaanleey iyorag kale oo murti lama iloobaan ah oo kuwaas dhinac socday gobonimadoona ahaa sida;-

1- Suldaan Cabdullaahi(Berbera wax go, lagu qaato ka weyn.

2- Faarax Oomaar dalkayga iyo dadkaygu wax la qayb qaybiyo ka yar.

3- Ugaas Xirsi suxulkaaga soo leef.

4- Cabdullaahi kharshi iyo suugaantiisii halganka.

5- Cbdullaahi suldaan timacade iyo suugaantiisii halganka.

6- Khaasim hiloowle iyo heesihiisii guubaabada gobanimadoonka.

7- Ugu danbayn aan iraahdo Alloow ayaga iyon inta anaan xusin ee abaalka nagashaday u naxariiso oo jano fardoowsa ka waraabi.

Aan u soo laabto Federaalka oo gumeystihii waayadiisii intaas ku dhaafo.Marka ugu horeysa federaalka waxaa ka soo horeeyey ciiddamo shisheeye oo wata hub culus oo waliba ay ka mid yihiin kuwii qaranka ama geyiga Soomaalida laga ilaalin jiray,islamarkaas intii ka koobnayd shantii labadii ka mid ka ahayd ee 1960kii isutimid bay u kala qaybiyeen lix qaybood,dadkii Soomaaliyoobay oo kala qaybintii gumeysiga ka buskooday waxa ayyagana u kala qaybiyeen gumeysi kalkaal iyo gobanimadoon hor leh ayyada oo aan wax nala weydiiyey jirin,tilaabadaan hadda nagu socta sow kama sii foolxuma tii hore.

Isku soo wadaduud sow nooma cadda in tabtii iyo hagardamadii1884kii nala ku sameeyey iyo xeeshii federaalka Soomaaliya yahiin mid isku mid ah oo macnaheedu yahahy qaybi oo xukun,kuwo maanka laga xaday oo wanaaga loogu sheegay sow ma arkaan nacaybka dhexdooda laga abuuray,ugu danbayn hadaynaan isdabaqaban oo aanaan joojin waxa ay ku sheegeen federaalka oo ah hagardaamadii hore Soomaali lagu kala qaybiyey mid la mid ah foolxumo iyo hagardaamo ka xun tii 1884kii ayaan ka dhaxli doonaa,kuwa hadda na horboodaaya iyo kuwa madaxnimada doonaaya oo olalahooda ku daraaya federaal waxba isma dhaamaan dhexdayadana boos kuma laha.Waxaan amaanadayada u dhiiban karnaa oo codkayaga leh ninka noo caddeeye in haadaanta aan ku socono naga badbaadinaayo.
Wabilaahi towfiiq/Jimcaale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.