Wariye soo bandhigay muqaal naxdin leh video iyo sawiro ku saabsan dhibatooyin ka dhan ah xaquuqul insaanka ka dhacay jubaland.

Wariyaha sameeyay baaritaankaan ayaa howshiisa bilaabay bishii april sanadkii laba kun iyo afar iyo toban ,xilligaas joornalistaha uu howlo shaqo u joogay gobalka u dhow xuduuda ay wadagaan somaliya iyo itoobiya ee gedo ,ayaa la kulamay dhacdooyin naxdin leh oo ka dhan ah xuquuqul insaanka, sida dad la dilay iyagoo waxba galabsan, dad la xiray iyo dad baabuur lagu jiiday ,kuwa la masaafuriyay iyo kuwa hantidooda la dhacay.

DHacdadii ugu naxdintdoolow c\rashiid cabdi nuur [indha kori] waxaana maydkooda halkaasi uu yaalay muda ka badan a badnayd ee uu la kulmay journalist Karar Rukow ayaa waxaa ay ahayd mid ka dhacday nawaaxiga dagmada dolow ee waqooyiga gobalka gedo . tasoo lagu dilay todoba ruux oo mid ka mid ah ay ahayd haweeney meel u dhow deegaanka geedwayne oo qiyaastii 40 km u jirta dagmada dolow 15/08/ 2015 . kadib markii halkaasi ay si wada jir ah ugu toogteen maleeshiya ka amar qaata gudoomiyhii hore dagmada afartan iyo sideed sacadood.
Waxaan sidoo kale bishii January 5, 2013 lagu dilay Degmada Dolow ee gobolka Gedo Marxuum Bashi C/lahi Diirey oo ahaa ganacsade, maamlmo kadina waxaa toogasho lagu dilay Degmada B/xaawo marxuum Banjo Cabdi Dhudi, oo ka mid ahaa odayaasha u caansan ee dhinaca dhaqanka gobalka xauduuda ku yaala ee gedo.
sidoo kale waxaa isla sanadkaasi gudihiisa dhacay falal ka dhan ah xaquuqda aadanaha sida dad baabuur lagu jiiday , dad xabsiyada lagu jirdilay, iyo kuwa kale oo laga masaafuriyay guud ahaan gobalka.
dadka baabuurta lagu jiiday waxaa ka mid ah maxamed yuusuf cali oo ahaa ganacsade ka howl galo deegaanada ku yaala dhinaca xadka.
Hoos ka daawo muqaalka dhibane maxamed oo waxyeelo ka soo gaaray baabuurkii lagu jiiday.,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,


…………………………………….

Sidoo kale waxaa dhibane maxamed si xoog ah looga qaatay GAARI NOOCA RAAXADA AH KASOO UU KU SHAQAYSAN JIRAY ,WAXAANA SI BAREER AH OGA XOOGAY MALEESHIYO UU HOGAAMINAYA SARGAAL MAGACIISA LAGU SHEEGAY IIDLE ,kasoo ku magacawnaa taliyaha abniga dagmooyinka baladxaawo iyo dolow.
laba maalmood kadib waxaa baaburkii dhibane maxamed yuusuf lagu gubay goob banaan ah oo dhinaca waqooyi ka xigta dagamada dolow.waxaana gubay maleeshiyaad ka amar qaata gudomiye indho kori.
hoos ka daawo muuqaalka baabuurka oo gubanaya.

dhinaca waxaa jirdil xoogan loo geystay dhibane AADAN JAAMAC kasoo la kulamay dhibaato aad u balaaran islamarkaana lagu sameeyay falal ka dhan ah xaquuqda aadanaha , dhibanahaan oo la kulmay wariyaha baaritaanka samaynayay ayaa sheegay in loo la dhaqmay si aad u liidato waxaana hadaladiisa ka mid ahaa [ askarta saldhiga waxay igu sameeyeen dhibaato badan,way i garaaci jireen,biyo ayay igu rushayn jireen, waxay iga jareen mid ka mid ah xaninyaha, waxay biinso iga bixiyeen cidiyaha ]

dhinaca kale afartii bishii november laba kun iyo shan iyo toban waxaa saraakiisha itoobiya lagu wareejiyay tiro maxaabuus ah kuwsoo laga qaaday gudaha gobalka gedo islamarkaana gacanta loo giliyay saraakiisha ciidamada itoobiya ,wareejinta maxaabiistaasi ma ahayn mid ay wax ka og tahay dowlada somaaliya ee dalka ka taliso ,waxaa wareejiyay un maamulada ka jira gobalka gedo,

maxaabiista xilligaas loo wareejiyay gudaha itoobiya waxaa maalmo kadib karar rukow oo ahaa wariyihii baaritaanka samaynayay uu helay magacada qaar ka mid ah sida faarax gaarane oo horay oga mid ahaa ciidankii booliska somaaliya xilligii dowlada dhexe dalka ka jirtay , ganacsade maxamed aadan jaamac, iyo waliba dhibane maxamed yuusuf. waxaana dhamaan lagu xiray xabsiyada cilinton iyo makalaawi oo ku yaala magaalada adis ababa ee xarunta dlka itoobiya.
muda ku dhow laba sano oo maxaabiistaasi ay ku jireen xabsiyada dalka itoobiya ayaa ugu danbayn waxaa xarigooda ka go.aan ka gaartay maxakamada sare ee dalka itoobiya.
hoos ka aqiso nuqulo ka mid ah qoraalka warqada maxakamada itoobiya.,,,,,,,,,,,,
Riix Maxakamada itoobiya
”””””””””””””””””””””’
WAXAA SIDOO KALE TACADI NOOCAASI OO KALE AH AY KA DHACEEN Magaalada kismaayo oo xarun ku meel gaar u ah maamulka jubaland ee somaaliya,
intii u dhaxaysay labadii kun iyo laba iyo tobankii iyo laba kun iyo shan iyo toban waxaa dilal aan wanaagsanayn shaqsiyaad shacab ah ,kuwasoo ka dhacay deegaanka dhoobley ee u dhow xuduuda somaaliya iyo kenya. dad la dilay waxaa ka mid ah cabdi nuur muuse cali oo ahaa ganacsade ree dhoobley ,kadib markii laga baxay xilli habayn ah ay gurigiisa kala baxeen maleeshiyo ka tirsan jabhada raaskaambooni tasoo uu soo asaasay axmed maxamed islaam axmed madoobe.
Maleeshiyaadka dilka u gaystay ganacsade cabdi nuur waxaa hogaaminayay taliyaha saldhiga dagmada dhoobley ,oo lagu magacaabi jiray Haybe Axmed Cali[haybe dhagool].
Sidoo kale intii uu baaritaanka uu socday waxaa wariye karar rukow u suuro gashay in uu helo warqad waaranti loogu jarayo islamarkaana lagu soo xiraayo qaar ka mid ah dadka lagu tuhmayo in ay ka danbeeyen falalkaasi lagu dhibaateeyay dadka dhibanyaasha ah ee aan waxba galabsan.

hoos ka aqriso warqada maxakamada sare ee somaaliya.”””””””””””””””””””””””””””””’

Riix Warqada maxakamada aqriso

[””””””””””””””””””””””””””””””

DHamaan ilo wareedyadii uu la kulamay wariye karar rukow oo isugu jiray goob joogayaal,wakiil xaga dhaqanka ah,siyaasiyiin ,waxaa dhamaantood ka marqaati kaceen in maamul gobaleedka jubaland ay ka dhaceen falal lid ku ah xaquuqul insaanka.
Sidoo kale joornalist karar rukow ayaa helay magacayada shaqsiyaad lagu tuhmayo in ay ku lug lee yihiin waxyabahii dhacay ,waxaana dadkaasi ka mid ah ,gudoomiyhii hore ee dagmada dolow c/rashiid cabdi nuur ,indha kori, haybe axmed cali ,jamaal xasan tarey, iyo laba kornayl oo ka tirsan saraakiisha itoobiya ee ka howl gasho somaaliya oo lagu laka magacaabo kornayl taqlee iyo kornayl burhaanuu.

INVESTIGATIVE JOURNALIST.
WARIYE WAX BAARA . KARAR RUKOW.
maxamedrukow@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.