Warbixin+XOG: Wariye Baritaano dheer ku sameeyey Dagaalkii Ceelwaaq iyo Dhacdooyin kale oo Gobolka Gedo Ka dhacay.

wariye wax baaro islamarkaana ka howl gala gudaha Deegaanada uu ka arimiyo maamul gobaleedka jubaland Laguna Magacaabo Karar Aadan Rukow ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan xoga muhiim ah oo ku saabsan dagaalkii dagmada ceelwaq.

wariyaha oo soo xigtay ila wareedyo kala duwan ayaa soo bandhigay xog balaaran oo ku saabsan dagaalkii 17kii bishaan ka dhacay dagmada ceelwaaq ee gobalka gedo,kasoo waxyeelo ay ka soo gaartay ciidamo ka tirsan dowlada soomaliya laguna dilay CO. Aadan maxamed wacays [aadan koronto]  ayaa  ogaaday Baaritaan dheer oo uu sameeyey kadib, in ay ka dambeyeen saraakiil iyo madax ka tirsan maamul gobaleedka jubaland. [ laba maalmood ka hor intii al shabab aysan weerarka ku qaadin dagmada ceelwaaq ,waxaa gudaha gobalkaasi si dhuumalays ah oga baxay saraakiil iyo xubno ka tirsan maamulka jubaland . kuwasoo la sheegay in ay ka indho qarsanayeen qorsho ay wax ka ogaayeen oo laga soo maleegay magaalada kismaayo oo xarun kumeel gaarka u ah maamulka jubaland .

shaqsiyaadka barnaamijkaasi lagu tuhmayo in wax ka ogaayeen waxaa ka mid ah,cabaas ibraahim guray oo ahaa taliyaha ciidamada dowlada ee aaga konfurta gobalka gedo , madax wayne ku xigeenka maamulka jubaland maxamuud sayid aadan iyo wasiirka amniga ee  jubaland cabdi rashiid cabdi nuur [ indha kori]  barnaamijka saldhiga u ahaa dagaalka ceelwaaq ayaa ahaa mid looga hortagayo dhaqdhaaq ay wadaan saraakiil ka soo jeedo gobalada jubooyinka kas oo ay taageerayso dowlada somaaliya dariska la ah ee kenya.

jubaland ayaa siyaasad ahaan ka horimaaday barnaamijkaas ay kenya horseedka ka tahay ee isbadalka loogu samaynayo gobalka gedo .waxaana  1/9 /2016 madaxtooyada  maamulka jubaland ka soo baxday warqad uu saxiixay madaxwaynaha maamulka jubaland axmed maxamed islaam  tasoo ahayd in lag hortago dhaqdhaqaaqayada ka soo cusboonaaday galbeedka gobalka gedo gaar ahaan dagmada ceelwaaq iyo deegaanada hoosyimaada.

waxaan warqadaasi  fulinteeda loo xill saaray  shaqsiyaad  uu hogaaminaya maxamuud sayid aadan, ayna ka mid yihiin wasiiru dowlaha amniga maxamed cabdi kaliil ,wasiir ku xigeenka  bi,ada cabdi rashiid maxamed ducaale iyo shaqsiyaad kale .

26/8/2016 waxaa  magaalada celwaaq booqday wafti balaaran oo uu hogaaminaya madaxwayne ku xigeenka jubaland. waxaana boqashadaasi ay qayb ka ahayad barnaamijka looga hortagayo dhaqdhaqaaqda ka socda dhinaca kenya.

intii u dhaxeysay 26/08/2016 ilaa 28/08/2016 waxaa dagamada ceelwaaq ka dhacay  shirar u dhexeeyay maamulka jubaland iyo qaybaha bulshada iyo saraakiisha maamulka dagmadaasi. kulamadaasi waxaa maamulka jubaland ay ku doonayeen in ay ku sameeyaan maamul cusub  iyo in  saraakiisha ciidamada lagu qanciyo in ay  joojiyaan kacdoon ay kaga soo horjeedeen kornayl cabaas ibraahim gurey islamarkaana ay la shaqeeyaan , inkastoo kulamadaasi ay ku soo dhamaadeen is afgarawaa ayadoo maamulka iyo saraakiisha dowlada ee dagmada ceelwaaq ay ku gacan sayreen in ay wax amar ah ka qaataan kornayl cabaas,

waxaana waftigii uu hogaaminayay madaxwayne ku xigeenka ay laabteen iyagoo aan wax muuqda oo isbadal ah ka samayn dagamada ceelwaaq.taasina waxay sii dhiiro galisay qorshihii maamulka jubaland ee ahaa in laga hortago shirarka iyo barnaamijyada laga soo maleegayo kenya.

gudoomiye ku xigeenka dagmada ceelwaq Sahal macalin aadan oo wareysi siiyay wariyaha wax baarayay  ayaa u xaqiijiyay in ay jirtay cabsi ku aadanayd qorshayaal  ka dhan ah xasiloonida dagamadaasi ,madamaa maamulka iyo shacabka dagmadaasi ay si cad oga horyimaadeen ilaa afar barnaamij oo maamulka jubaland uu doonayay inuu ka fuliyo deegaanada ceelwaaq,buusaar garilley ,kasoo ahaa in la badalo dhamaan maamulada deeganadaas ,in la dhiso ciidamo daraawiish ah oo ka amar qaata jubaland. iyo dhamaan ciidamadaasi ay hoostagaan saldhig  cusub oo ciidamada itoobiya ay  ka furan rabaan nawaaxiga deegaanka ceelcade ee bartamaha gobalka gedo.

laba maalmood ka hor dagaal ceelwaq waxaa safar su.aal ay ka imaaday gobalka oga baxay, wasiirka amniga jubaland ,madaxwayne ku xigeenka  jubaland,iyo taliyhii ciidamada aaga koonfurta ee gobalka .waxaana safaradaasi ay kula aadeen magaloyinka wajeer iyo adis abab.

waxaa sidoo kale furumaha laga saaray ciidamadii ku sugnaa deegaanada garillay,caws qurun,diif, iyo dhuyac garoon . waxaana taasi ay sababtay  in ciidamada dowlada ee ku sugnaa dagmada ceelwaaq ay la kulmaan  aagag cusub oo aysan dabooli karin . dhinaca kale 29/08/2016 weerar qaraxyo ah lagu dilay deeqoow diiriye sargaal ka tirsanaa ciidanka dowlada somaaliya,islamarkaana horay oga tirsanaan jiray saraakiisha ilaalada wasiirka gaashaan dhiga ee somaaliya Janaraal Cabdiqaair Sheeh Cali Diini.

 

Kornel fatxi xusen cabdi [fatxi jiis] abaaduulaha ciidamada dowlada ee gobalka jubada hoose ayaa u sheegay wariyaha samaynayay baritaanka in weerarkii ceelwaq uu ahaa mid lagu mijaxaabinaya awooda ciidamada dowlada soomaliya ee ka howl galo jubaland. kadib markii ay ka biya diideen in ay hoostagaan maamulka jubaland,

kornayl fatxi oo hada ku sugan jubada hoose ayaa sheegay in isaga qudhiisa uu la kulmay dagaal xoogan muda dhowr cisho ka hor islamarkaana looga dilay hal askari loogana qaatay gaari nooca dagaalka ah.kadib markii ay weerareen ciidamada ka tirsan raaskaambooni meel u dhow deegaanka dhoobley,

isagoo sheegay in waqti xaadirkaan uu ku sugan yahay xero ay leeyihiin ciidamada dowlada kenya.halkaasna uu ka gaabaadsanayo weeraro kale oo oga yimaada dhinaca maamulka jubaland

 

wariyahaan wax baaro oo lagu magaabo Karar Aadan Rukow ayaa sheegay  intii uu waday baritaankaasi  inuu ku ogaaday xoga badan oo qaar kood aysan suuro gal ahayn in loo soo bandhigo warbaahinta,balse  waxaa wariyaha uu is waydiiyay su.aalo ay ka mid yihiin. 1- awooda maamulka jubaland uu u lee yahay in uu hor istaago barnaamijyada ay wadaan wadmada dariska ah,sida dalka kenya iyo waliba saraakiisha al shabaab ee fulisay dagaalkii ceelwaaq hanaankii ay adeegsadeen marka laga hadlayo ,qaabkii uu u dhacay weerarkii ceelwaq iyo  waliba nooca hubka ee loo isticmaalay .

Dhamaan Su’aalahaas iyo kuwo kale oo daahsoon ayuu Wariye Karar Aadan Rukow oo kamid ah Warfidiyeenada dhinaca baaritaanka ku xeeldheer isweydiiyey isagoo qoritaanka faaladaane alinka u qaatay sababo la xiriira bal in bulshada uu jawaab kaheli karo iyo in xitaa oo Dhibanayaasha dhibkaas uu gaaray uu lawadaago xogaha daahsoon ee aysan suuragalka aheyn in cidkastaa ay ogaato.

W/Q : Karar Aadan Rukow

Investigative Journalist/ Wariye Waxbaara

maxamedrukow@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.