XOG: Axmed Madoobe oo wax ka ogaa Dagaalkii Saraakiisha lagu laayay, Ceelwaaqne lagu qabsaday.

Dagaalkii shalay Galinkii dambe ka dhacay Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo waxaa kamid ahaa dadkii ku geeriyooday Korneyl Aadan Koronto oo kamid ahaa Saraakiishii Ciidamada Dowladda ee Degmadaasi ku sugnaa.

Hadaba Dagaalka shalay iyo qorshaha Weerar ee Degmadaasi ayaa xogaha ay Gedo Times heleyso Sheegayaan in dadka wax ka ogaa Duulaankaasi uu kamid ahaa Hogaamiyaha Jubbaland Axmed madoobe, kaasi oo korneyl koronto iyo saraakiil kale u arkayay Qodax isaga ku taagan.

Axmed Madoobe oo horayba looga shakisanaa Xiriirka ka dhaxeyn kara isaga iyo Alshabaab ayaa Dhacdadani Ceelwaaq waxay dab ku daartayXiriirka isaga iyo shabaabka, kadib markii ilo  wargal ah oo noo waramay ay sheegeen in uu jiray xiriira shababaka iyo madoobe ka dhaxeeyey oo u qorsheysnaa degmadaasi ceelwaaq.

Axmed Madoobe ayaa maalgalin ku sameeyey Weerarkani ceelwaaq isagoo shabaabka lacag u diray, waxaana sirdoonada qaarkood ay sheegayaan in weerarkani markii hore shabaab u qorsheeyeen degmada dhoobleey Balse Madoobe ayaa weerarkaasi usoo weeciyey dhinaca Degmada Ceelwaaq.

Cadeymaha kale oo loo hayo weerarkani waxaa kamid ah in la ogaa xiriirka Saaxiibtinimo iyo midka wadashaqeyneed ee ka dhaxeeyey korneyl Aadan Koronto iyo Korneyl Barre Hiiraale Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, kuwaas oo waday qorshe Shacabka Jubooyinka looga horeyn lahaa Shabaab iyo saaxiibkood Axmed Madoobe, oo dhibaato badan ku haya Shacabka ree Jubbaland.

Kalsoonida laqabo ayaase ah in Saraakiil kale oo hawshaasi wada ay jiraan balse aadan Koronto uu ahaa lafdhabar meesha ka baxday.

Dhinaca kale Ciidamo daacad u ahaa Maamulka Axmed Madoobe oo ceelwaaq dhinac kaga sugnaa ayaa weerarka inta uusan dhicin u baxsaday Dhinaca Ceelwaaq Kenya, taasi oo muujineysa sida qorshahani loogu maleegey Ciidamada Daacadda u ahaa Korneylkaas oo weerarka kahor Degmada Loogu faarujiyay.

Waxyaabaha kale ee la tuhunsanyahay waxaa kamid ah in Safarkii dhawaan ay halkaasi ku tageen Maxamuud Sayid iyo Wafdigiisa uu riixayay Axmed Madoobe oo doonayay in Ciidamo ka hor imaadsanaa oo halkaasi ku sugnaa awoodooda la wiiqo, balse qorshahaasi uu u fuli waayay sidii loogu talagalay.

Sikastaba Shabaabka iyo Axmed Madoobe ayaa leh Xiriir Dadban oo ay ku mideysanyihiin kaasi oo ah in iyagune ay kala nabad galaan dadka kalane isku si u xasuuqaan.

 

1 Comment

  1. waxaad sheegtaan oo dhan waa been iyo kutiri kuteen aan sal iyo raad toona laheyn qof walba oo somaali ahna waa ogyahay ALSHABAAB ineey duulaan kuyihiin cid alaale iyo cidii kahor imaadsan mowqifkooda maalin walbo waxeey weeraraan magaladey rabaan ama huteelkey rabaan beey qarxiyaan kuwaana waxeey lamidyihiin somaalidi dhamaaneysay ee haa xagxaganina madaxda sharafta leh nimaankaas dhamaaday hadiiba lamishimay waxaa mishimay ninkii ay meesha ujoogeen waa BARRE HIRAALE oo sadex baabur oo qataar ah ay u ilaalinaayeen marka asaga ayaa gooni udaga kuyiri oo horebeyy udiideen ineey dhex galaan mariixaanka kale ee iskuduuban oo cadagooda udiyaar garoobay,

    Dhanka kale ciidanki joogay Ceelwaaq waxeey daganyihiin buusaar oo halkaas beey difaac kagajiraan

    Inti dhimatay oo kamidyahay Korneel Aadan Koronto Allah haa unaxariisto

Leave a Reply to Xasan Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.