Faafaahin: Alsabaab oo Ceelwaaq isaga Baxay, Dowladda oo Dib u qabsatay iyo Khasaarihii Dagaalka ka dhashay,. “akhriso”

celwaq

Xaaladda Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa saaka dagan kadib dagaal ay shalay Alshabaab kula wareegeen oo halkaasi ka dhacay.

ku dhawaad Lix Askari oo uu kujiro Korneyl Aadan Maxamed Waceys Aadan Koronto ayaa Dagaalkani Ciidamada Dowladda kaga geeriyooday, halka tiro intaasi kabadane ay ku dhaawacmeen.

Goobjoogayaal ku sugan Ceelwaaq oo Saaka la hadlay Wariyaha Gedo Times ee Gobolka Gedo ayaa u sheegay in Dagaalkii shalay uu saameyn ku yeeshay.

Dhinaca kale alshabaab ayaa isaga baxay Guud ahaan Degmada ceelwaaq iyadoo saaka lagu arkayay gudaha Degmadaasi Ciidamada Dowladda oo degmadaasi kusoo laabanaya.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa xaqiijiyay Geerida askarta tiradaasi dhan, iyo gaadiid dagaal oo sadex gaaraya oo ay Shabaab kaga qabsadeen Dagaalkii shalay.

Wixii soo kordha kala soco Gedo Times.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.