Faallo: Xildhibaan Magan waa Mudanaha ugu Mudan W/Q: Cali Soomaali.

cali

Ugu horeyn waxaa mahad oo idil u sugnaatay alle subxaana watacaalaa, marka xigtane Naxariis iyo Nabad galyo Nabi Muxamed Korkiisa ha ahaato, intaas kadib.

Ugu horeyn bal aan araryar u sameeyo Qormadan Kooban ee aan uga hadli doono mid kamid ah Masuuliyiinta Soomaaliyeed Gaar ahaane Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya,kaasi oo aan jeceleystay in Faallo Kooban oo shakhsiyadiisa iyo mudnaanta uu u leeyahay in markale uu soo labto aan ku faaqidi doono.
Beelaha Soomaalyeed intabadan mahelaan fursad ay ku xushaan shakhsiga ay jeclaan lahaayeen in u matalo ama uga mid noqdo Siyaasadda Soomaaliya Maanta kajirta Duruufo badan oo jira aawadood,
1, Midnimo guud oo beelaha dhexdooda ah majirto,
2, Madal iyo goob ay dadku kuwada dhanyihiin oo ay fikirkooda saxda ah iyo cideey jeclaan lahaayeen in ay matasho ay ku xulan lahaayeene majirto haba ugu wacnaato sida dadku u kala baahay deegaankane ugu kala duwanaadaye.
3, iyo tan ugu muhiimsan ooba ah In aan larabin qof dadka si sax ah u matala, waxa la doonayane ay tahay qof caade qaate ama daneyste ah kaasi oo eegta hadba halka ay shilimaad kasoo gali laahaayeen, ama shisheeyaha nagu xeyndaaban oo qudhooda jecel had iyo jeer in qabaa’ilka ay matalaan shakhsiyaad iyaga basaasiin u ah ama danahooda u ilaaliya.
Hadaba iyadoo taasi oo dhan ay jirto hadane waxaa jiro beelaha qaar ku hal adeyga in ay dirsadaan dad si sax ah u matali kara, heer Federaal iyo heer dowlad Goboleedba, waxana beelahaasi kamid ah Beesha Sade.
Beesha Sade ayaa Baarlamaanka Federaalka ku leh ilaa iyo 14 Xildhibana kuwaas oo kala matala Goboladda Jubooyinka iyo Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Dalkeena, inkastoo tirada Jubooyinka ay ku sadex jibaranto mataaladda Galgaduud.
Xidhibaanadaas ma yihiin kuwo kasoo dhalaalay Shaqooyinka loo igmaday??
Inkastoo Jawaabta dhinaco kala duwan laga eegi karo, hadane aragtida ugu muhiimsan ayaa sheegeysa in Shakhsiyaadkaas Beelweynta Matalayay uusan kujirin qof ka soo baxay Waajibaadkiisii shaqo ee loo igmaday marka laga reebo hal mudane oo beesha Bari iyo Bogox, Gudo iyo dibad, Weyn iyo yarba ay isla qireen in had iyo jeer uu u taaganyahay difaacitaankooda, iyo kahadalka arimahood waana Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo Afartii sano ee lasoo dhaafay kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka ee Federaalka Soomaaliya.
Wa Nin Caynkee ah Xildhibaan Magan?
Magan waa SIyaasi Rugcadaa ah si weyn ula soo shaqeeyey Dowladii Kacaanka, Khabiir dhinaca Diblomaasiyadda oo dhowr iyo toban sano ka tirsanaa Wasaaradda Arimaha dibadda ee Soomaaliya, Waxa uu Qunsulka Guud ee Soomaaliya Sucuudiga u qaabilsanaa uu ahaa muddo Afarsano ah, sidoo kale wuxuu noqday Safiir Xigeenka Safaaradda Soomaalida ee Magaalada Toronto ee Dalka Canada iyo Danjirihii Soomaaliya u Fadhiyay Magaalada Washington ee Dalka Mareykanka,
Waa Aqoonyahan kabaxay jaamacadda Virginia, Darajada Koowaad iyo Mida Labaad ee Jamaacadane halkaasi ku qaatay, isagoo shahaada Koowaad ku diyaariyay Cilmiga Siyaasadda iyo Dhaqaalaha halka Qeybta labaad ama Darajada Sarene uu kudiyaariyay Culuumta Diblomaasiyadda iyo Xiriirka Caalamiga ah.
Muxuu Mudanahani ku muteystay in Sidaas la isugu raaco?
Dabcan dadku siyaabo kala duwan ayey daaranyihiin Kalsoni siinta xildhibaankaasi, waxaana sababaha ay sheegeen in ay ugu codeeyeen kamid ah.
1, in uu muujiyay sida ay beesha Sade ugu simantahay si guudne u difaaco magacooda iyo mansabyadooda Xileedba.
2, ka hadalka Dhibaatooyinka kala duwan ee Beeshani ku dhacay sida, Duqeymihii Kenya kawaday Gedo oo uu noqday Qof ka kaliya ee ka hadlay oo ugu yaraan cambaareeyey, markii lawaayay Cidkale oo sade ah oo Ka dhiidhisa Duqeymahaasi inkastoo Masuuliyadii saarneyd ay kahadalka arimahaasi fareysay Hadane shakhsiyaad lamid ah ayaa ka gaabsaday badalka uu isagu ka hadlay.
3, Kahor imaanshiyaha Maamulka gacan ku rimiska ah ee Axmed Madoobe oo lagu xaqiray Beesha Sade, Maamulkaasi oo qaab awood maquunin ah ku dayay in uu ku xukumo Beeshani, Inkastoo caqabado badan oo Maamulkaasi ku hor gudbanne la sheego in Xildhibaankan Qeyladiisa iyo kahadalkiisa warbaahineed ay sababeen, haba ugu horeyso Mushaaraadkii iyo tasiilaadkii maamulkaas loogu talagalay ee ay qaateen maamulada asaagiisa ah in isaga laga joojiyay.
4, la raadinta Mansab xileed iyo Deeq Waxbarasho oo si isku mid ah uu ugu raadiyay dhalinta iyo dadka waxbartay ee ka soo jeeda Beesha Sade, halka xildhibaanada Kale ay ahaayeen marka ay qodobkani timaado kuwo dadka ku jifada ah kaliya un wax la baadi gooba tiiyoo ay dheertahay in Beelo badan oo Sade ah oo baarlamaanka aan matalaad ku laheyn ay u baahanyihiin cid ku matasha Maansab Xileed.
Arimahaas iyo kuwo kale oo farabadan ayey kuu sheegayaan Bulshada Beeshani Sade in Mudanahani uu ku muteystay in Mansabka Xileedka uu hadda hayo ay u ordaan siduu markale ugu soo laaban lahaa, si Shaqooyinka qabyada ka ah Xiligani uu u dhameystirto.
Majiraan dad dhinacyo kale wax ka eega oo dhaliil u haya Xildhibaan Magan.??
Dabcan waa jiraan waana jiri karaan dad Dhaliil u haya Xildhibaankani, sababtoo ah qofkastaa oo Masuul ah ayaaba hubanti ay tahay in Dhaliil iyo amaanba uu yeesho, hase ahaatee waxaa isweydiin mudan dadka ka hor imaadsan maxay tahay Sababta ay ku diidanyihiin.
Maxaa la gudboon Beesha Sade?:-
Dadka Diidan Xildhibaankani ama Siyaasadiisa mucaradsan ayaa isugu jira laba qolo oo kala ah:-
1, Kuwo u adeegaya Shisheeyaha Dalkani Gumeysiga Daahsoon iyo midka muuqdaba ku haya, kuwaas oo u arka in Mudanahani uu laf dhuungashay ama Qodax soo taagan had iyo jeer ku yahay Dowladaha ay Danahooda U doodayaan.
2, iyo kuwo Diidan Matalaada Guud ee uu muujiyay Xildhibaankani iyo in uu yahay Nin Dadka u simanyihiin Taas badalkeedane ay doonayeen in uu lamid noqdo iyaga ama Jifo hoosaad uu aragtidiisa ku saleeyo, arintaas oo aan isleeyahay waa un labada qodob ee kaliya ee Mudanahani lagaga hor imaan karo ama ay yihiin dadka ka hor imaadsan qodobada ay ku doodayaan.
Beelweynta Sade waxaa la gudboon, in dhinacyadeeda kala duwan ay u guntadaan sidii xildhibaan Magan ay Booskiisa u difaaci lahaayeen ugana hortagi lahaayeen Cadowga doonaya in ay Daaqadda Ka saaraan, sidoo kale Magan kaliya ma ahee ay u muujin lahaayeen Karti ay shakhsiyaad tayo leh u soo saari lahaayeen, kuwaas oo u matali kara Beesha Sida Mudanahani uu u matalay oo kale.
Beelweyntu waa in aysan ogolaan in Caade qaate, Daneyste iyo qof dambe oo aan danahooda u adeegeyn uusan u matalin,waa in bah iyo boqorba ay u guntadaan muujinta Awoodooda hadda aad moodo in ay ka daahsoontahay, waa in ay ka gudbaan inta badan bulshada aragtida Jifada ku saleysan loona gudbo Midnimo Guud.
Gunaanadka Faaladda?
Mar hadii la isla qiray in Mudanahani yahay Shakhsiga sanadka ee u soo baxay Beelweynta Sade miyaanu xaq u laheyn in lagu harjado sidii kursigiisa loo difaaci lahaa, ogowna Beelweyn kursi iyo labo iska dhaafe kuraas intaas kabadan ayey difaaci karaan, waase hadii codkooda uu yahay mid mideysan, oo aan lakala furfuran,Dardaarankeygune waa in laga hortago albaabadane laga xirto Caade Qaate, laaluush qaate iyo u adeege Shisheeye oo dambe oo Beesha Sade magaceeda wax ku hela asi danahooda iyo deegaankooda midna aan u adeegeyn.
W/Q : Cali Sheekh Aadan “Cali Somali”
Qoraa Soomaaliyeed
Calisomali400@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.