TOP News: Dowladda UK oo jawaab kabixisay cabasho ku saabsaneyd wasiir Dowladaas ka tirsan oo madaxda Soomaalida bahdilay.


Dhawaan waxaa magaalada muqdisho soo gaaray wasiirka arimaha Afrika u qaabilsan Dowladda UK, kaasi oo madaxda soomaalida kula kulmay safaarada uk ay ku leedahay gudaha Xarunta Xalane, Hadaba dacwo la xiriirta Protocol xumada kulankaasi uu Wasiirka Afrika ee UK kula kacay madaxweynaha iyo Raisal Wasaaraha Soomaaliya gudaha safaaradda UK ee Muqdisho, Dacwadani ayaa waxaa Wasaaradda arimaha dibadda ee UK u gudbiyay mid kamid ah qurbajoogta soomaaliyeed ee Dalkaasi ku dhaqan oo lagu magacaabo Cabdi Maxamed Warsame ” Deeq Faandhe”.

Deeq Faandhe ayaa arimahan cabashadooda markuu gudbiyay kadib waxaa kasoo jawaabay isla wasaaradda, iyagoo eedeynta nidaam xumadaa dusha kaga tuurray madaxda soomaalida, Wasaaradda ayaa sheegtay in soomaaliya ay dhaqaale badan ku bixiso dhinaca amaanka Horumarinta iyo gargaraaka, taasi oo macnaheedu yahay in Madaxtooyada Soomaaliya ay ka amaan badantahy Xarunta xalane ama Safaradda UK ee Muqdisho.

Wasiirka Arimaha Afrika u qaabilsan UK ayaa socdaalkan uu afrika kuyimid wuxuu Nairobi kula kulmay wasiirada Ganacsiga iyo arimaha dibadda ee Kenya kuwaas oo uu xafiisyadooda ku qaabilay, arintaas oo madaxda soomaalida ku ah dhabarjab madama laba arimood la isugu daray, waa mide in wasiir meeqaamkiisa hoseeyo ay lakulmeen iyo tan ka daran oo aheyd in gudaha safaarad xalane kutaalo lagu qaabilay xilli iyaga marti loo ahaa.

Sikastaba Muwaadinka Soomaaliyeed ee UK ku sugan kana damqaday bahdilka lagula kacay Madaxda Soomaalida ayey Gedo.Times hoos idiin kugu soo gudbin doontaa qoraalka Jawaabta ah ee ay Wasaaradda arimaha dibadda ee UK kabixisay bahdilaadda wasiir dowladaasi u dhashay uu sameeyey.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA JAWAABTA AH.
screenshot-268

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.