TOP News: Beesha Sade oo Dalbatay in Xildhibaan Magan uu kamid noqdo Baarlamaanka Soo socda. “Warbixin”

iyadoo meel xaasaasi ah ay marayaan olalaha loogu jiro kamid noqoshada siyaasiyiinta cusub ee soomaaliya ee badalaya kuwa waqtigoodu dhamaaday ayaa beelaha soomaaliyeed waxay ukala xusul duubayaan sideey u soo saari lahaayeen qof ay kalsooni ku qabaan.

Siyasitiintii hore ayaa intooda badan ku fashilmay fulinta balanqaadyadeey horay u sameeyeen iyagoo hadda rajo badan aan qabin, balse waxaa jira tiro yar oo kasoo dhalaashay waajibaadkii shaq ,ee loo igmaday.

Shakhsiyaadka Beelaha soomaaliyeed ay hadal hayaan ayna ka go’antahay in ay dib usoo celiyaan waxaa kamid ah Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo kamid ah mudanayaashii ugu shaqada iyo matalaada fiicnaa afartii sano ee lasoo dhaafay, Magan oo dhawaan shaaciyay in markale uu doonaayo in uu kamid noqdo baarlamaanka Federaalka.
Odayaal,dhaqameedyo, siyaasiyiin,dhalinyaro haween iyo aqoonyahanno iskood isu,abaabulay kana soo jeeda Beesha Sade ayaa codsi u gudbiyay ugaaska Beesha Sade iyo waxgarad kasojeeda Beesha kuwaas oo dalbaday in xildhibaan Magan dib loo doorto.

“Ugaaska Sade iyo waxgaradka waxaan inka codsaneynaa in Magan aan lagula tartamin kursiga xildhibaanimada, waa nin bulshada sade oo dhan matalayay mudaduu xilka hayay, dhibaatooyin badan oo beesha lagu hayayne ka dhiidhiyay una bareerey kahadalkooda,

Si kastaba Xildhibaankan ayaa muteystay olalaha ay beeshiisa kujirto oo ah in marlabaad uu soo noqdo kana mid noqdo xildhibaanada cusub waxaana aad looga war dhowrayaa jawaab celinta beesha uu xildhibaankan ka dhashay ee sade iyo waxa ay kayiraahdaan codsiga beelweynta sade.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.