TACSI: Masuuliyiin Dowladeed,Saraakiil iyo qurbajoog ka tacsiyeeyey Geerida Korneyl Aadan Koronto.”Akhriso”

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

Dagaalkii galinkii dambe ee maanta kadhacay Degmada Ceelwaaq ee ay shabaabka kula wareegeen waxaa ku geeriyooday taliyihii Ciidamada Dowladda ee aagaas Korneyl Aadan Koronto, Madax kaa duwan iyo shacab.

Geerida Korneylka waxaa Gedo Times u,xaqiijiyay.Masuuliyiinta Degmadaasi, Saraakiisha Gobolka iyo taliska guud ee ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo.

Hadaba warqabadka Gedo Times waxaa soo,gaaray dhambaal tacsiyeed oo ay soodireen dhinacyo kala duwan kuwaas oo si iskumid ah uga tiiraanyeysnaa Geerida kutimid taliyahaasi.

Shakhsiyaadka Tacsida diraya ayaa kala ah

1.Wasiirka Gaashaandhigga Janaraal Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini.
2, Korneyl Barre Aadan Shire Hiiraale
3, Xildhibaan Maxamuud Cali Magan.
4, Xildhibaan Nuur Faarax Baadiyow.
5, Xildhibaan Cabdirashiid Suufi Deerow.
6, Taliyaha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Korneyl Sanka Cadow Cali Mareexaan.
7, Abaanduulaha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Korneyl Cumar Sheekh Ismaaciil.
8, Korneyl Cabdi Cigaal.
9,Aqoonyahan Xasan Maxamed Cali Stateman.
10, Cabdi Maxamed Warsame Deeq Faandhe oo ku,hadlayay,magaca Jaaliyadda Beesha Sade ee UK iyo qurbajoog kale oo isla.beesha kasoo jeeda kuwaas oo ku kala sugan dalalka Mareykanka Canada Europe iyo bariga Afrika waxayna dhamaantood tacsi tiiraanyo leh u direen qoyskii qaraabadii iyo guud ahaan umada soomaaliyeed ee uu masuulkaasi ka geeriyooday.

Bahda Gedo Times ayaa dhinacooda dhambaal tacsiyeed u diraya ehelada iyo qaraabada uu kabaxay Korneyl Aadan Koronto oo ku geeriyooday Dagaal galabta ay alshabaab kula wareegeen Degmada Ceelwaaq ee Galbeedka Gobolka Gedo

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.