DAAWO: Arday,Reer Gedo ah oo Deeq Waxbarasho ka.heshay Wadanka Maroko ee Waqooyiga Afrika.

Xilli lagu jiro xilli sanadeedka Jaamacadaha.Dunida ay.qaataan arday cusub ayaa waxaa.nasiib wanaag jaamacad deeq waxbarasho ah,dalka Maroko dhaca waqooyiga qaaradda Afrika kahelay sadex dhalinyaro ah oo,ree Gedo,ah.

Ardeydani,oo,lagu,kala magacaabo Cabdulaahi Maxamed Yuuusuf, Cabdicasiis Rooble Maxamed iyo Cali Maxamed Aadan.ayaa deeq waxbarasho oo ilaa daraasaadka sare.ah waxa.ay kaheleen Wadanka.Maroko.

Dhalinyaradani ayaa kabaxay Machad Islaami ah oo ku yaalo Xarunta Gobolka.Gedo ee Garbaharay,waxaana machadkaasi lagu Magacaabaa Imaamu Nawaawi.

Masuuliyiinta Machadka, Maamulka Degmada Garbaharay.iyo waalidin ayaa ka qeybgalay munaasabad kooban,oo lagu sagootinayay ardeyda lagulana dardaarmayay.

Muqdisho ayey shalanimo soo gaareen, iyadoo Madaarka Muqdishone ay kusoo dhaweeyeen, dhalinyaro uu kamid ahaa Cali Aadan.Yuusuf Cali Soomaali oo kamid ah qoraayaasha.kasoo jeeda Gobolka Gedo siweyna ula socday arimaha la xiriira helitaanka.Minxada ee dhalinyaradani.

Dhawaan.ayaa lagu,wadaa in ay gaaraan Magaalada Rabaad.ee Caasimadda Wadanka ay deeqda waxbarasho kaheleen ee Maroko halkaas oo ay,jadwalkooda waxbarasho kasii ambaqaadi doonaan.

Bahda.Gedo Times.ayaa.hambalyo Laxiriirta Helitaanka deeqda waxbarasho dhinacooda u,diraya ardeydani,deeqda waxbarasho,kaheshay,wadanka Maroko, waxaana u rajeyneynaa Nasiib wacan iyo waxbarasho tayo sare leh.

received_989468061152431
received_989468014485769
received_989468127819091

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.