Xildhibaan Nuur Faarax oo ka hadlay kulan looga hadlayay Nabadgelyada Caabudwaaq

Xildhibbaan Nuur Faarax Jaamac oo ka mid ah Baarlamaanka Dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa kulan looga hadlayay xalinta dhacdadooyin kii is xig xigay ee lagu dilay Nabadoono dhawr ah la qaatay oday dhaqameed iyo Ugaas Axmed Bare Cali (Taakooy) oo ku sugan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galguud.

Arinta dhacdada ee lagu dilay 7.dii bishan labo Nabadoon waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kala duwan kadib markii kooxha dilka gaystay ay sidoo kale rasaas ku fureen dad ku sugnaa suuq laga adeegto iyo goobo ganacsi.

Falkaasi uu u muuqday mid si weyn looga wada xumaaday, ayaa bulshadu waxa ay isku mid ah ugu istaageen xalinta hawshaasi sida uu sheegay Xildhibaan Nuur oo tilmaamay in arrintaan ay la kaashanayaan bulshada qeybaheeda kala duwan.

Xildhibaanka ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka codsaday in ay gacan ku siiyaan sidii xal looga gaari lahaa, dadaalada nabadeed ee ay ugu jiraan xalinta falkii dilka ah ee ka dhacay Caabudwaaq.

Ugaad Axmed Bare Cali ayaa dhinacyadii ay arintaani ka dhex dhacday waxaa uu maaanta dhankiisa u jeediyay baaq, waxaana uu ku taliyay in waxii dhacay fadhi iyo wada hadal lagu dhameeyo, si looga hortago in markale aysan dhacdadaasi.
dsc06369

dsc06372
caaaaaabd

cab

cabdwaaq

cbdwaaq

cbud

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.