AKHRISO: Waxagaradkii lagu laayay Caabudwaaq oo aas loo sameeyey, iyo Baaqyo Nabadeed oo lajeediyey.

waxaa maanta qabuuro,kuyaala.degmada caabudwaaq lagu aasay.rabi ha.u,naxariistee laba nabadoon oo si bareer ah shalay.degmadaasi ay,maleyshiyaad.ugu dileen.

Nabadoonadani oo xiliga uu dilku dhacayay.kulan beeleed u,fadhiyay ayaa la.dilay iyadoo tiro intaasi,kabadane lagu dhaawacay.kuwaas oo dhaawacyo,kala duwan ay soo kala.gaareen.

Bulshada.ree Caabudwaaq.ayaa ka qeybgalay aaska maanta degmadaasi,loogu sameeyey waxgaradki,shalay degmadaasi,lagu.dilay.

Xaaladda degmadaasi ayaa ah,mid aan xasilooneyn, walow duubab dhaqameedyo uu horkacaayo Ugaaska Beesha Sade Ugaas Axmed Barre cali Takooy ay wadaan dadaalo xaaladda lagu dajinaayo, iyadoo ay ku dhawaaqeen durba xabad joojin iyo in degmadaasi uusan dhib dambe ka dhicin, xaalkane lagu damiyo inta uu hadda.dhibka marayo.

Cabudwaaq ayaa marti galibeysa daruuro,colaadeed lamana oga sida uu xaalku ku dambeyn doono,waqtiyada soo,aadan.

Gedo Times ayaa waxaa soo,gaaraya.baaqyo nabadeed oo ka.imaanaya dhinacyo kala duwan,kuwaas oo,si,iskumid ah.dhinacyada ugu,baaqaayo in.ay xaaladda dajiyaan.

wixii kusoo kordha xaaladda caabudwaaq kala soco Gedo Times.

1 Comment

  1. ASC, Ujeeddo baaq nabadeed iyo Tacsi :
    Anigoo ku hadlaaya magaca Jaaliyada Somaliyeed ee Leicester Uk, waxaan ugu horayn halkaan uga tacsiyeyneynaa guud ahaan bulshaweynta reer Galgaduud,anagoo ka tii’raan-yeysan geeridii ama dilkii shalay ka dhacdey degmada Caabudwaaq, kaas oo ay ku geeriyoodeen, Nabadoon Faarax Aadan Dhooleey iyo nabadoon Maxamed Barre Diini, waxaana Eebe uga baryeynaa inuu u dambi dhaafo samir iyo Imaanna ka siiyo qoysaskii iyo ehaladii ay ka geeriyoodeen labada Murxuum.
    Waxaan kaloo ilaahay uga baryeynaa in uu u booga dhayo intii ku dhaawacantey falkaas foosha-xun,ee shalay ka dhacdey degmada Caabudwaaq.hadaba codsi iyo talo soo jeedin,
    Waxaan ka codsanaynaa dhammaan wax-garadka dagaanka Galgaduud iyo Mudug,sida Cuqaasha, Culima Aw-diinka, iyo dhalinyarada,ganacsatada,Ururada haweenka,saraakiisha ciidamada,ee ku nool woqooyiga Galguduud gaar ahaan magaalada Caabudwaaq iyo nawaaxigeeda inay ka hortagaan wax walba oo colaad keeni kara, waxaanan ugu baaqaynaa inay xoogga saaran sidii ay xaalada u dajin, lahaayeen,waana in si deg deg ah qoriga dhulka loo dhigo,waana in loo deg dego dhanka wada hadalka iyo waan waanta,waana in carada la xakameeyo,lagana hortago fal-shaydaanka marar-badan soo noq-noqdey, kana hortaga ineysan arintu gacantiina kabixin,fadlan fadlan halaga hor-tago, ineysan dhicin wixii shalay dhacay iyo wax lamid ah,walaalayaal,awoowe-yaal,
    Waxaan leenahay nabad ayaa naas la nuugo leh xabadna kuma dha’shaan wiilal,ee wiil baa ku dhinta ee kashaqeeya xa’silinta iyo nabada iyo aayo ka talinta,wiilasha maantey nool Mustaqbalkooda.
    Wabillahi Towfiiq ,Jaaliyada Somaliyeed,ee Leicester Uk
    Abdirizak Mohamed Tahlil,
    E-mail: tahlilabdirizak@gmail.com
    Leicester Uk,

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.