Ururwaynaha Sade Diaspora Forum oo Diraaya Baaq Nabadeed

​​​BISMILLAHI RAXMANI RAXIIM

Anagoo ku hadlayna maga ururka ay ku midaysan yihiin qurba joogta beesha Sade ee loo yaqaan Sade Diaspora Forum (SDF)waxaan ugu horayn ka tacsiyeeynaynaa geeridii foosha xumayd ee maanta loogu gaystay magaalada Caabudwaaq Nabadoon Faarax Aadan Dhooleey iyo nabadoon Maxamed Barre Diini, waxaan eebe ooga baryaynaa inuu u dambi dhaafo samir iyo Imaanna ka siiyo qoysaskii iyo ehaladii ay ka geeriyoodeen.
Waxaan kaloo Allah ka baryaynaa in uu caafimaad siiyo intii ku dhawacantay shaqaaqadii foosha xumayd ee maanta oo ay taariikhdu tahay 7 August 2016 ka dhacday Magaalada Caabudqaaq.

Waxaan ka codsanaynaa dhammaan Isimada, Cuqaasha, Culimada, waxgaradka iyo dhalinyarada ku nool woqooyiga Galguduud gaar ahaan magaalada Caabudwaaq iyo nawaaxigeeda inay ka hortagaan wax walba oo colaad keeni kara, waxaanan ugu baaqaynaa inay xoogga saaran sidii ay u afjari lahaayeen xalna ooga gaari lahaayeen wixii maanta dhacay kana hortagaan inaysan dib dambe u dhicin waxaas iyo wax la mid ah.
Waxaan leenahay nabad ayaa naas la nuugo leh xabadna kuma dhashee wiil baa ku dhinta ee kashaqeeya xasiloonida iyo nabad ku wada noolaashihiina.
Wabillahi Towfiiq
Guddiga SDF
1- Cabdixakiin Maxamed Daahir
2- Bashiir Maxamed warsame
3- Daahir Muuse Xassan
4- Cabdiqafaar Axmed Xassan
5- Nuuro Cali Shiirdoon
6- Xabiibo Kadiye Colaad
7- Africa Cabdi Xassan
8- Hodan Dahir Dirir
9- Yaasmiin Xassan Muuse

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.