Golaha Wasiiradda oo ka hadalay Xoojinta Amaanka iyo la dagaalanka Al-shabaab

Golaha Wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta si wada jira u go’aamiyay in lasii laba jibbaaro dagaalka lagula jiro kooxda nabad diidka ee Al-shabaab.

Kulanka golaha wasiirrada oo uu shir guddoominayay R/wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte,ayaa si weyn loogu gorfeeyay adkaynta ammaanka dalka,dardar gelinta iyo baacsiga kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaan dhigga dowladda federaalka Soomaaliya Jeneraal C/qaadir Sheekh Cali (Diini) ayaa sheegay inay ciidamada xoogga dalka ay goobahooda ugu tegi doonaan Al-Shabaab,waxaanay goluhu isku raaceen in doorashada ka hor guluf xooggan lagu qaado Malleeshiyada nabad-diidka.

Sidoo kale golaha ayaa isku raacay in daryeel loo fidiyo carruurtii ay Aabbayaashood ku geeriyoodeen difaaca dalka,waxayna ballan qaadeen iney xagga wax barashada iyo dhanka noloshaba ka saacidi doonaan.

Dhinaca kale, golaha ayaa go’aamiyay in Albaabka hore ee madaxtooyada dalka loogu magic daro Laba Xiddigle Bashiir Abshir,oo ka mid ahaa mujaahidiintii naftooda u hurtay difaaca qaranka ee ay kooxda Al-Shabaab ku dileen halkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.