DEGDEG: Wariye.Jeylaani Xuseen Yuusuf.oo Goordhaweyd lasoo daayay.

Waxaa goordhaw lasoo daayay wariye Jeylaani Xuseen Yuusuf oo labadii habeen ee lasoo dhaafay ku baryay xabsi,ku yaala Magaalada Kismaayo.

Wariyaha oo ilaa.iyo hadda aan la shaacin cidda uu u xirnaa ayaa xoriyadiisa dib u helay Goordhaw, iyadoo soodeyntiisane ay kaalin,muuqato ku lahaayeen dhinacyo kala duwan.

Ururka Suxufiyiinta Madaxa Banaan ee JIJA oo uu horkacaayo Gudoomiye Kuxigeenka Ururkaasi Maxamed Qaasim Waxar ayaa dadaalo dheeri,ah ku,bixiyay soodeynta wariyaha.iyagoo lakaashaday dhinacyo kala duwan.

Waxaase soodeyntiisa saaka mudnaanteeda leh Wasiirka Isboortiska.iyo dhalinyarada ee Jubbaland Maxamed Yuusuf Awlibaax kaasi oo wariyaha saaka xabsiga kasoo daayay,waxaana awlibaax uu wariyaha xirnaa u ahaa adeer.

Bahda Gedo Times ayaa.dhinacooda kaalin.ku leh.soodeynta wariyaha iyadoo dhinacyo kala duwan ay xiriiro lasameeyeen kuwaas oo lagala.hadlay.sidii wariyaha.loosoo deyn lahaa, sidoo kale Gedo Times ayaa muujisay dareenkeeda iyo sida ay uga xuntahay xariga lagula kacay wariye Jeylaani Xuseen.

Jeylaani ayaa.goordhaw.inoo,xaqiijiyay in.xoriyadiisa uu dib u,helay isagoo sheegay in faafaahinta uu dib kabixin doono waxyaabihii uu lakulmay mudadii uu xirnaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.