Wasaaradda Amniga Somalia oo Awaamir Culus Dul dhigtay Hotelada Muqdisho

muqdisho

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya C/Risaaq Cumar Max’ed, Milkiilayaasha Hoteellada Muqdisho ku amray in ay xaqiijiyaan Amniga
Dadka ku jira Hoteelladooda, Wasiir C/Risaaq ayaa Milkiilayaasha Hoteellada ku amray in ay difaacyo sameystaan islamarkaana ay xaqiijiyaan amniga Dadka muwaaddiniinta ah ee adeegsanaya Hoteellada ay leeyihiin.

Waxaa uu yiri “Haddii Milkiilayaasha aysan sugi karin maniga Hoteelladooda maba aha in uu furnaado Hoteelka”,waxaana uu amar ku siiyay in Milkiile kasta oo mas’uuliyadda Amniga Hoteelkiisa wax laga weydiinayo, Hay’adaha AMniga ayuu ka jeediyay eedaha loo soo jeediyo ee ah in ay ku fashilmeen xaqiijinta AMniga,waxaana uu ku dooday in aanay kaligood mas’uul ka ahayn waxa ka dhasha dhibaatada ka jirta Magaalada ee ay reebaan Qaraxyada.

Wasiir C/Risaaq,ayaa sheegay in uu Golaha Wasiirrada horgeeyay islamarkaana saxiixeen Siyaasadda sugidda amniga Goobaha Ganacsiga ee Dalka,waxaana uu ku daray in ay u geynayaan Siyaasaddaasi
Milkiilayaasha meelaha la bartilmaameedsado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.