Deg Deg:- Ganacsade Reer Puntland ah oo lagu Dilay Suuqa weyn ee Gaalkacyo

puntland

Koox Hubeysan ayaa Suuqa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ku Dishay Nin Ganacsade ah oo Magaciisa lagu sheegay C/llaahi Cismaan Axmed, Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Marxuunka ay Toogteen Koox Hubeysan kuwaas oo dilka ka dib ka baxsaday halkii ay wax ku dileen.

Ganacsadaha Maanta la dilay ayaa ka soo jeeda Galbeedka Magaalada Gaalkacyo sida Wararku ay sheegayaan,mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulada Puntland, Magaalada Gaalkacyo ayaa tan iyo markii ay ka dhaceen Qaraxyadii lagu Weeraray Xarunta Dowladda Hoose ee Gaalkacyo ayaa waxaa ka taagnaa Xiisado kala duwan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.