Buundo Cusub oo laga dhisay Dagmada Garbahaareey

Waxaa 09/08/2016 xariga laga jaray buundo cusub oo in muddo ah uu socday dhismaheeda. Buuntadaan oo ay dhismaheeda bilaabeen ururka hooyooyinka ee dagmada Garbahaareey sanadii 2014 ayaa ugu danbayntii lagu guulaystay in la dhamaystiro. Buuntada ayaa martay marxalado kala duwan, waxayna in muddo ah u xayirnayd qarash la’aan darteed iyadoo ururkii hooyooyinka ee bilaabay ay ku adkaatay inay wada helaan qarashki bixi lahaa dhismaha buuntada. Si caqabadaas looga gudbo waxaa arinti soo fara galiyay culumada dacwada magaalada oo uu istaagay dhamaystirka buuntada, ugu danbayntiina ku guulaystay inay aruuriyaan dhaqaalihi ku bixi lahaa dhamaystirka buuntada.

Togga la saaray buuntada ayaa ah mid aan sidaas u weynayn balse dhib weyn lagu qabay xiliyada uu roobku da’o. waxaa muhiimad dheeraad ah sii-siinayo buuntada in toggu u dhaxeeyo istibitaalka weyn iyo magaalada taasoo qof kasta qasab ooga dhigtay in uu maalin un maro. Xilli roobaadka ayaa waxaa dhici jirtay in maalmo dhan laga go’doomo ku kala socoshada magaalada iyo isbitaalka taasoo qatar weyn galinaysay shaqaalaha isbitaalka, bukaanka iyo eheladoodaba. Dhibkaas ayaa hadda la filayaa in laga gudbi doono haduu Eebe idmo.

Xaflada xariga looga jaray buuntada ayaa waxaa kasoo qayb galay gudoomiyaha dallada culumada gobalka Sheekh Maxamed riyaal, gudoomiyaha dagmada Garbahaareey Nuur Sheekh Maxamed Buraale (Nuur Caato), ku simaha barasaabka gobalka Xasan sheikh Cilmi (Xasan Garbahaareey), odayaasha deegaanka oo uu horkacayay Gaarane Nuure Maxamuud iyo ururka hooyooyinka oo ay hormuud u ahayd Ambiyo Cusmaan Cabdi-Salaam (Ambiyo Dheer). Madexdaan oo qudbado kala duwan jeediyay ayaa ku xeel dheeraaday muhiimada ay leedahay in dadku isu tashadaan oo aysan cidna kale ka sugin inay dalkooda u dhisto, waxayna tilmaameen in haddii ay isu tashadaan ay dalkooda dhisan karaan.

Wadarta qarashka ku baxay dhismaha buuntada ayaa ah $9500 (sagaal kun iyo shan boqol oo doolar). Qarashkaan ayaa dhamaantiin ka yimid magaalada mana jirto wax tabarucaad ah oo dibada ooga timid. Talaabadaan ayaa ah mid cadaynayso in dadku howlahoodu qabsan lahaayeen hadii la helo cid hagto una istaagto baraarujinta dad weynaha.

Screenshot (262)

Screenshot (263)

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.