R.Wasaaraha oo Tacsi u direy ehellada dadkii ku dhintay Qaraxii Maanta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa si kulul u cambaareeyey qaraxii maanta ka dhacay meel u dhow albabaabka hore ee madaxtooyada iyo Hotel ka SYL oo ay ku dhinteen dad isugu jira Shacab iyo Ciidamo ka tirsan Dawladda kuna dhawacmeen tiro kale.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa ugu horeyn Cambaareyn u soo jeediyay Kooxihii ka dambeeyay weerarkaas isagoona sheegay in arrintaas ayan la yaab ku ahayn kuwii hore falkaas u samayn jirayna ay ka danbeeyeen Weerarkaas. Ra’iisul wasaaraha ayaa tacsi u direy qoyskii iyo ehelkii ay ka geeriyoodeen askartii iyo shacabkii naftooda ku waayay ee halkaa ku dhintay isagoona Ilaah uga baryay kuwa ku dhaawacmayna inuu Caafimaad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.