Horumarka la yaabka leh ee Soomaliya(the ridiculous development of Soomalia) BY Jimcaale

jim

Waxay ila tahay in marka laga hadlaayo horumar dal samaynaayo ama kobaca dal laga eego dhinacya badan siiba dal burburay sida kaayyaga Soomaaliya.Annaga oo wada xogogaal ah lana socona xallada dhan kasta ee dalkayaga Sooaamliya ,ayaan waxaan maqalnaa madaxdayada oo dadka ay masuulka ka tahay ama shirar caalamiya u sheegaysa Dalka horumar baa ka jira ,horay baan u tilaabsanay iyo guulo baan gaarnay,sidaas si le,eg wakiilada beesha caalamka baa ku hadaaqa.
Bal meelaha laga qiyaasi karo aan fiirino;-
-Amaanka Dalka seeyahay?
-kaabayaashiin dhaqaalaha ee burburay maxaa laga qabta?
-awooda dawlada dhexe ma tahay mid gartay Dalka oo dhan ama intee gaarsiisan yahay?
-garsoor iyo caddaalad intee le,eg baa Dalka ka jira?
-Dalku muxuu dhoofiyaa oo soo degsadaa?
Bal qodobada kore aan mid mid u soo qaadano si aan u helno sawirka dhabta ah ee dalkayaga ka jira inta anaan meelo kale ugalin ;-
1-Amaanaka marka aan eegno waa qarax iyo weeraro joogtaa ,meyd meel walba ,dhaawac daadsan iyo dhiig qubanaaya,meesha sartu ka qurunsan tahayna waa ciiddamaadii aminiga sugi lahaa oo aan la habaynin oo gobol walba ay haystaan maleeshiya beeleed haddana aan dhaqaale iyo mushaar ahaysan,amaan ay sugaan daaye ayaga baa amaandarada qayb ka qaata.Bal aan isweydiinee meel aan amaan ka jirin horumar ma ka jiraa?

2-Kaabayaashii dhaqaalaha sida Dekadaha maxaa gacanta dawlada ku jiraha?Jidadkii Dalka isku xiraayey waa side xaalkoodu?Buundooyinkii Dalka la,isaga tilaabi jirey maxay ku sugan yihiin?Gadiidkii circa,dhulka iyo bada oo dhaqaalaha qayb ka qaadan jiray wax ma ka soo nooleeyeen?Hayadahii wax soo saarka sida warshadahii,wakaaladahii,mashaariicdii wax ma laga bilaabayisku soo wada duuboo dhammaan intaas aan soo qaadanay iyo in kale aanaan ka hadlin dhammaan sow eber ama meel ku dhaw maaha?

3-Awooda Dawlada Gobol iyo degmo ka soo kac si buuxda Xaafadaha Xamar ma gaartaa awooda dawladu ?Jawaabtu waa maya Balcadb iyo Agooye ,awooda dawladu ma gaarto,waxaana u sababa 24/08/2016 Puntlaand waxay ku dhawaaqday in Gobohlada Dhexe iyo Galmudug gaadiid ka yimid soo geli Karin puntlaand,sow Koofurgalbeed xaq uma laha in Kontaroolka Xamar aan loo soo dhaafin? Dhammaan dawlad ku sheegyada in aan Xamar looga talin sow idiin ma cada,waxa soo socdaana taas ka sii daran,xildhamaano Mogadishow ka tegay oo gaaray Jowhar shirka ka socda ayaan dawwaday maqal iyo muuqaal oo dadka ku guubaabinaaya in dalkii ninba meeshiisii buu goostay oo aan loo gali Karin ee idinkuna wax dhista oo goosta meeshiina.Miyeysan idiin muuqan in nala kala qaybiyey anaga oo ah qabyaaladii oo maamul gobalaysan?Haybadii karaamadii,sharaftii iyo awoodii dawladu halkaas bay ku dhamaatay maamul kasta markiisa baa cadawgu qabsandoonaa waqti aan dheerayn,ilayn awood wada jirta oo difaac ma jirto qaybiil meeshiisa difaafici karaana ma jirto,Waxa nala raadinayaa waa ismaciirsato isneceb oo marka danbe naloo taliyo.Wuxu waa lag ee dheelalaawo ha ku cunin,ama waxaasi waa fardo oo laysuma qariyo.

4-Garsoorka waxaa muraayad u ah in uusan jirin oo tusaale kuugu filan qodobka aan kor uga hadlay ee awooda dawlada meel aan dowladu ka talin garsoor ma ka samayn kartaa?
Doofinta iyo soodejinta waxaan is weydiin lahayn in boqolkiiba sagaashan wax ka badan waxa Dalka laga isticmaalo laga keeno dibada taasna waxay cadayn u tahay in dalkayaga ka mid yahay kuwa aduunka u liita ka dhaqaalaha.

Hantida gaarka ah(praviate sectar) baa ku dadaasha in ay horumar samayso laakiin amaankii ay ku samayn lahayd ma haysato.Bal eega inta jeer mid walba la qarxiyey ee dib loo dhisay.Isku soo wada duuboo Dawlada Xassan shiikh Maxamuud iyo beesha caalamku Dalka horumarka gaaray oo horay u socdaa aaway?Haddii aan annigu ka jawaabo ,beesha caalamku waa tii shalay idinka oo sharaf leh idin dumisay oo karaamadiinii dhulk ku jiiday,waxa horay u socdaana waa say rabtay oo ah baabi,iina iyo jiritaan la,aantiina ,dawlada Xassan Shiikh maxamuudna danahooda bay fulisaa horumarka Dalka uu gaarsiiyey oo uu ku faano ka dheexda UniversalTV ,qarnigaan21naad waxa teknoolajiyad shaqaysa wuxuu isku xayeysiinayaa gaarigacan iyo fargeeto.aan ku soo kufiyo Haddii aydnaan tashan oo aydnaan faderaalka diidin cadaw baa idiin talin.Badbaadada Soomaaliya waa federaalka oo la diido iyo Xassan Shiikh maxamuud oo aan ku soo laaban kursiga,midka aad ku badalaysaana waa in uu noo sheegaa in uu Soomaaliya badbaadinaayo oo haadaanta ka soo saaraayo,oo aad balan cad la gashaan,Ilayn Xassan Shiikh Maxamuud Haddii uu dalkaan rajo ka hayso Khaatumo buu aqoonsan lahaa.;W/Q.Cabdullaahi Jimcaale Faarax.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.