Bulshada Soomaaliyeed oo Shacabka Gedo uga tacsiyeeyey Qarixii ka dhacay Baardheere. “Daawo”

xilli usbuucii hore ay magaalooyin kamid.ah soomaaliya ka dhaceen.qaraxyo, ayey madaxda soomaalida ka.tacsiiyeeyeen qaar kamid ah qaraxyadii dhacay halka kuwa kalane aysan ka hadlin.

Qaraxyadii Muqdisho iyo Gaallacyo, ayey madaxda soomaalida ka tacsiyeeyeen halka aysan ka hadlin qaraxii dadka badan wax ku noqdeen ee ka dhacay Degmada Baardheere.

Masuuliyiintani ayaa gabay masuuliyadii waxqabad ee ka saarneyd Shacabka Baardheere ee ay dhibaatada badan kasoo, gaartay qarixii ka dhacay dhowr maalmood kahor.

Taas badalkeeda waxaa shacabka reer Baardheere iyo Guud ahaan kuwa ree Gedo uga tacsiyeeyey waxyeelada qaraxyadani kasoo gaaray,kuwaas oo u sheegay bulshada gobolka sida ay uga xunyihiin mashaqada ka dhacday Degmada Baardheere.

Dhinaca kale Madaxda Jubbaland oo uu Gobolka Gedo ka tirsanyahay ayaan dhinacooda wax tacsi, ah u dirin Bulshada ree Baardheere ee qaraxyadaasi ay waxyeelada kasoo gaadhay, qaraxyadaasi oo xitaa ay ku waxyeeloobeen Masuuliyiintii Degmadaasi Baardheere Maamuleysay.

Sikastaba waxaa muuqata in Hogaamiyayaasha Soomaalida Heer Maamul Goboleed iyo Heer Federaalba aysan dan kalaheyn shacabka ku nool Gobolka Gedo oo aad moodo buqcad soomaaliyaba ka go’an.
Bulshada Gobolka Gedo ayaa waxay qabteen baroordiiq ay shacabka somaliyeed si toos ah codkooda uga dhiibanayaan aya koo kala jooga daafaha aduunka
Hoos kadaawo

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.