Maqaal: Yaa ka masuul ah kala qaybinta Dalka iyo dadka Soomaaliya. W/Q Cabdullahi Jimcaale Faarax.

jim

jeer hore bay  ahayd markii Gumestii caddaa uu dalweynaha Soomaaliya u qaybiyey shanqaybood ayada oo gumeste madaw oo Geeska Afrika ka jireyna uu talada wax ku lahaa ,markii danbana shantii qaybood meel ka mid ah lagu abaamariyey,ugu danbayntii laba ka mid ee loo yaqaan Koofur iyo Waqooyi ay midoobeen waxayna sameeyeen Jamhuuriyada Soomaliya.

Calanaka bluuga ah oo ay ku midoobeen labadii Gobol oo ay kala gumeysan jireen Ingiriiska iyo Talyaaniga waxaa dhexda uga taal xidig cad oo shangees ah oo macn aheedu yahay in la xoreeyo saddexdii qaybood oo kale,isla markaasna la mideeyo,waxaa kale oo dastuuriyan laga dhigay qof kasta oo Soomaaliya meel kasta ha ku noolaadee in uu wax ku leeyahay dawladnimada Jamhuuriyada dhammaantoodna leeyihiin xuquuq isku mid ah.

Ujeedada caynkaas ahayd oo yoolka u ahayd Jamhuuriyada Sooamaaliya sow ma cadda maanta in la jaanrogay oo si arintaas meesha uga baxdo Jamhuuriyadii unuga u ahayd mideynta Soomaaliweyn ayyada lafteedii loo kala qaybiyey Dawlado aan kala amar qaadan oo mid waliba ay calan gaar ah iyo Madaxweyne gaar ah leedahay,waase yaabe ummada Sooaamaaliyeed yaa dereenkii wadaniyada ka qaaday oo qalbiyadooda sida sahlan uga tirtiray.Waxay u garan la,yihiin halista jiritaankooda iyo sharaftooda ee sii lumeysa?Maxay u garan la,yihiin cidda shaxdaan dheeshay?Sow ma cadda in cadawgii Soomaaliweyn noo quuri waayey  midab kasta ha lahaadee in ay faraha nagula jiraan ayaga oo raadinaaya danahooda si ay jiritankeena u baabi,iyaan?Sow nooma cadda kuwo annaga naga midka ah ee mid walba calanka gaarkaa hoos fadhiyo in ay yihiin basaasiin nala ka dhex samaystay?

Isku soo wada duud cadawgii Soomaali weyn oo goljilic naga helay iyo Basaasiin Soomali ah oo madax nalooga dhigay, ayyada oo cudurka kansarka ah ee qabyaalada na loo adeegsaday baa Soomaaliya kala qaybinaaya Haddii aan dadkeedu garan oo sarqaanka qabyaalada ka soo noqon Soomaaliya cadawgeeda iyo basaasiin u maamulaaya bay gacanta ugu jirtaa mana sii jirayso mudo kooban oo aan dheereyn.Ka dagaalama Federaalka ,calamada badan qoondhda haweenka,bal eega si kasta marka naloo kala dilay baa naloo abuuray colaad lab iyo dhedig,Madaxweyne qabiil maamul goboleed , xildhibaan 4.5 ku raadin , iyo xuduudo laydiin kala sameeyo oo  hadda laydiin soo wado gudiga xuduudaha,dhammaan arimahaas waa xeelad iyo wadiiqooyin Soomaaliya baabi,inteeda loo maraayo,waxayna hadda maraysaa meel halis ah laakiin dabaqabasho leh Haddii aanu ku baraarugno dhibaataynta qarankeena iyo basaasiinta maanta hogaamineysa oo aan dhano maya intaas nagu filane nadaaya(enough is enough).

W/Q, cabdullaahi Jimcaale Faarax.

Qoraa Soomaaliyeed

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.