Todobada nin oo luminaaya Soomaliya(madasha qaranka). By Jimcaale

jim

Todobadaan nin oo cajiibka noqday oo wajiyada badan ila yeeshay halka ay nagu wadaan ma lays weydiiyey.Maxaa loogu yeeri karaa ,magacee siin karnaa,tilmaan nooceeya baan ku sifeyn karnaa,anniga wajiyo badan bay ila yeesheen,

-Mar waxaan is iri waa baarlamaan yar oo la soo koobay.
-marna waxay iila ekaadeen Golahii wasiirada,
-Dhinaca kale waxay ila noqdeen todoba Madaxweyne oo dawlado deris ah xukuma oo xiriiro badan leh oo ka dhexeeya.
-Gees kale baan ka fiirshay waxay ila noqdeen todoba odydhaqameed oo mid walba beeshiisa u xisaabtamaayo.
-haddana waxaan is iri waa basaasiin nala ka dhexsamaystay oo dalkeena baabi,in doona .

Waxaa xaqiiq ah dhammaan sifooyinka aan kor ku soo sheegay in ay leeyihiin,cid kale oo ay wax u hambaynayaana ma jirto,bal eega Soomaliland hadday dawlada wax ku leedahay sida ay sheegayaan maxay ugu diideen in ay sideed ku noqdan madasha ay ugu yeereen madasha wadatashiga kana qaybgalaan ,dhibaatada hadda taagan iyo gadoodka beelaha waqooyi ee Xamar maanta ma taagnaadeen,ilayn kuwo go,anka wax ku leh bay ahaan lahaayeene.

Isku soo wada duub bal dhan kasta xaajada u raaca nimanka si kasta u qaymeeya,meesha arintu hadda marayso arka miyeysan u ekayn Makaa,iil Garbajoofkii Midowgii Soofeyti kala diray iyo la taliyayaashiisii,Soomaaliyana ku wada in ay kala diraan oo sidii Midowgii Soofeedka ama Joslafaakiya qariirada adduunka laga waayi doono,haddaynaan ka tashan todobada nin ee la yaabka leh.
Talabixin
Galaha barlamaanka ,iyo wasiirada dawladu mowqif midaysan ha qateen hana ku cadaadiyeen in beelaha waqooyi aqalka sare waxa ay ka tabanayaan la siiyo shuruud la,aan arintana sidaas lagu qaboojiyo.Haddii arintaas la marsiin waayo wasiirada dhamaantood hayscasileen intii ayaga oo wasiira ah Soomaaliya kala tegi lahayd ilayn ,Haddii saas dhacdo eeda waxbay ku yeelanayaane,Haddii dhinaca dawlada wax ka qabsoomi waayaan shacabaka waxaan leeyahay doorashada laydinku mashquuliyey oo laydin ku kala dilay ee loogu talagalay inta aad isku haysataan wax aan micne weyn lahayn in calanka iyo ciidaba la waayo oo caruurtiinu dhaxal beesho miyaad sugeysaan .Waxba ragaan yaysan doorasho nagaline shacabku ha tashado waxaan kacdoon ahayna uma eka ,bal xisabtama ilaa Carta waxaan qaybsanaynay xildhibaano qacda iyo qubta baa naga dhex taagnayd ,qolo badsatay iyo qolo qaday maxay beeshooda u soo hooyeen oo faa,ida ah,anigu aan jaabta idiin dhehee waa waxba.Haddii ay qaranka u hiiliyaan oo hagardaamada ka ilaaliyaan bay reerahooda wax tareen ,taana waa gabeen.ilayn wax nagu filan oo aan ka wada dhergi karno waa qaranka Soomaaliyeede,waxay ka badin waayeen mooshin lagu raadiyo laaluush.
W/Q Cabdullaahi Jimcaale Faarax,

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.