TOP News : Xildhibaan Magan oo Dalka Dib ugu soo laabtay Kadib Safarro uu Dibadda ugu maqnaa.

Magaalada Muqdisho waxaa dib ugu soo laabtay Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo kamid ah Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo bilooyinkii dambe safaro dibada ah ku maqnaa.

Xildhibaan magan oo xilli sanadeedkan loo aqoonsaday Xildhibaanka ugu sacsiyaga og Danaha Beesha Sade iyo Kuwa Gobolka uu kasoo jeedo ee Gedo ayaa muddo bilooyin ah dibadda safaro ugu maqnaa isagoo soo maray Dalal Yurub iyo Bariga afrika ku yaal kuwaas oo uu kula soo kulmay Jaaliyadda Beesha Sade ee Wadamadaasi ku dhaqan.

Xildhibaan Magan ayaa waxyaabaha lagu xasuusto waxaa kamid ah halka uu ka taagnaa Qadiaydda Jubbaland, iyo siyaasadda Marooqsiga ku saleysneyd ee Axmed madoobe, ka hadlidda Duqeymihii kenya ay ku fulisay Gobolka Gedo, iyo  Furitaanka wajiga Nabadeed iyo wadahadaladda Beesha Sade iyo Dowladda Kenya u bilowday, guushane kusoo idlaaday.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa guud ahaan Booska xildhibaanimo si guud ugu matalayay Beeweynta Sade iyo Guud ahaan Ree Gedo marka laga soo tago Jifada uu magac ahaan kursiga ugu fadhiyo,

Magan ayaa loo arkaa in uu Mudanyahay kusoo laabashadiisa Kursiga xildhibaanimo, iyadoo jifada uu ka dhashayne ay u muuqato mid codkooda kalsoonida uu un isaga haysto, taas oo sahli karta soo laabashadiisa markale iyo matalaad horleh oo uu hawlihiisa shaqo halkeedii kasiiwado.

Warbixino Taxane ah oo la xiriira Waxqabadkii xildhibaan Magan ee afartii sanadood ee lasoo daafay iyo ra’yi aruurin ay Gedo Times sameysay kala soco Mareegtan Insha allah.

sidoo kale akhristow hadii aad daneyneyso inaad Ra’yigaaga Saliimka ah ka dhiibto Waxqaabdka Xildhibaankan Fadlan telefoonkaaga noogu sodir Emailkeena oo ah gedotimes1@gmail.com inaga ayaa kula soo xiriiri doona insha allah.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.