Tacsi: Wasiir Diini oo ka tacsiyeeyey Geerida kutimid allaha u naxariistee Janaraal Maxamed Cali Samatar.

Iyadoo xalay Dalka Mareykanka uu ku geeriyooday Janaraal Maxamed Cali Samatar oo Soomaaliya Xilalka Madaxweyne Kuxigeen, Raisal Wasaare iyo Wasiir gaashaandhig kasoo qabtay ayaa waxaa iska soo daba dhaceysa Tacsida loo jeedinaayo.

Warqabadka Gedo Times ee Muqdisho ayaa waxaa soo gaaray Dhambaal Tacsiyeed oo uu soodiray Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya Janaraal Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini.

Wasiir Diini Ayaa Dhambaalkiisa Tacsiyadeed Sidan U dhigay

Inaa Lilaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun, ugu horeyn waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Guud ahaan Umadda Soomaaliyeed gaar ahaane qoyski iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar oo Qarankeena wax badan u sooqabtay,Taariikhda Janaraalka ma ahan mid qoraal lagu koobi karo lakiin waxana muragada iyo tacsida la qeybsanayaa Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu maanta ka dumay tiir adag” Ayuu Yiri Wasiirka Gaanshandhigga Janaraal Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini.

Wasiir diini ayaa dhinaca kale ka sheekeeyey Xilalkii iyo tababaradii dibadeed ee uu Jaaral Smaatar soo qaatay, wuxuuna sheegay in Jananka allaa u naxariistee uu tababaro dibadeed kusoo qaatay Dalalka Talyaaniga iyo Dalkii la isku oran Jiray Midowgii Soofiyeeti.

Diini ayaa dhinaca kale xusay in Janaraal Samatar uu ahaa Sarkaalkii ugu darajada Sareeyey Xagga Cidamada Wixii ka dambeeyey markii ay soomaaliya xoriyadeeda qaadatay, isagoo gaaray darajada ugu sareysa ee uu gaaro qof soomaali ah taas oo ah darajada Sareeeye Guud.

Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay in Samatar uu Soo qabtay Xilalka Madaxweyne Kuxigeen, Raisal Wasaare iyo Wasiir gaashaandhig, isagoo xusay in darajooyinkaasi ay uu ku gaaray oo kaliya kartidiisa, Aqoontiisa iyo wadaninimadiisa.

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.