DAAWO: Daawo Ugaaska Beesha Sade oo kulan uu kaga Xogwaramayay Kulamadii Nairobi ku qabtay Magaalada Garbaharay.

Ugaaska Beessha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi ayaa Maanta Magaalada Garbaharay waxa uu ku qabtay Kulan balaaran oo ay kasoo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulanka waxaa kasoo qeybgalay Masuuliyiinta Her gobol, iyo heer Degmo iyo sidoo kale ururada Bulshada Rayidka ee Degmadaasi ka dhisan, Cuqaal , Dhalinyaro iyo haween.

Ugaaska kulankani waxa uu kaga xogwaramay ka qeybgalayaasha dhamaan waxyaabihii uga soo qabsoomay kulamadii uu Nairobi kaga qeybgalay ee u dhaxeeyey Beesha Sade iyo Dowladda Kenya.

Ugaas Maxamed ayaa sheegay in Kenya ay heshiis nabadeed lasoo saxiixdeen dhamaan waxyaabihii ay hordhigeena qalinka lagu duugay.

Dhinaca kale ayuu sheegay Ugaaska in waxyaabaha lagawada hadlay mudadii ay Kenya LA shirsanaayeen In ay kamid aheyd in beesha sade ee Kenya dagan ay hesho xuquuqdeeda deegaanimo sida aqoonsiga dalkaasi oo magaca beesha lagu goosto iyo helitaanka Xilalka Dowladeed ee Deegaanadaasi loo qoondeeyey.

Sikastaba ka qeybgalayaasha kulanka ayaa booriyay Hogaaminta Ugaaska iyagoo balanqaaday in ay si hufan Ugaaska ULA shaqeyn doonaan dhamaan heshiisyada uu soo galay fulintoodane
Ay kaalin muuqato ka geysan doonaan.

Ugaas maxamed ugaas xaashi ayaa garbaharay sii joogi doona tan iyo inta uu ka dhisaayo golihii guurtida ee isaga lashaqeyn lahaa.

ugaas

xashiugas

ugagarbo

ugaasr

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.