Fadeexad: Madaxda Soomaaliya oo uu Wasiir Bahdilay kadib Markii uu safaarad Gudaheed kula kulmay Dacwana Laga gudbiyey.

Wasiiru dowlaha Africa ee Dowladda UK Tobias Ellwood ayaa booqasho ku tagay Muqdisho Soomaaliya. Wasiiru dowlahani ayaa Gudaha Safaarada Ingiriiska ee Muqdisho Soomaliya waxa uu kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Raisalwasaare Sharmaake. Socdaal uu Nairobi ku tagay isla wasiirkani Arimaha Africa ee Uk ayuu kula kulmay Xafiisyadooda dalkaasi Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Kan Ganacsiga ee Kenya.

Wasiiru Dowlahani ayaa Madaxda Soomaalida bahdilay kadib markii Saafaradiisa Soomaaliya ku taala uu kula kulmay Madaxwaynihii iyo Raysawasaarihii wadanka uu booqanaayey ee Soomaliya.

Cabdi Maxaed Warsame (Deeq Faandhe) oo la hadlay Gedo Times ayaa yiri ” madaxda Soomaalida waa LA bahdilay laba jeer waa mar e wasiir meeqaamkiisu hoseeyo ayey qaabileen halka Kenya wasiirkani ay qaabileen xubno wasiiro ah. Qaladka labaad ayaa ah in Safaarada ingiriiska lagu qaabilay halkii xafiisyada Madaxwaynaha iyo raysawasaaraha lagu qaabili lahaa waana arin soomaalida bahdilaad ku ah”.

Sikastaba Dacwo Ayuu Deeq Faandhe u gudbiyay Xafiisyada Madaxda ugu sareysa Dalka UK sida kan Raysawasaaraha iyo kan arimaha Dibada wayna kasoo jawaabeen iyagoo ku sheegay in jawaab ay kasoo bixin doonaan Dacwadani.

bahdilka somaliya (1)

bahdilka somaliya (2)

bahdilka somaliya (3)
ukshar
dacwadii wasiirka

dacwadii raysawasaraha

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.