DAAWO: Beesha Reer Siyaad Ugaas oo Kulan Xaasaasi ah Garbaharay ku yeelatay “Maxay kaga Hadleen ? Akhriso.

Kulan ay kasoo qeybgaleen Waxgarad iyo Siyaasiyiin Ka soojeeda Jifada Reer Siyaad Ugaas Diini oo ka tirsan Belweynta Sade ayaa ka dhacay Xarunta Gobolka Gedo ee Garbaharey.

Kulankani ayey Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta kaga arinsanayeen Sida lagu soo xuli doono Ergooyinka 51-ka qof ka kooban ee soo Dooran Doona Shakhsiga Baarlamaanka Federaalka uga mid noqonaya Beesha Reert Siyaad Ugaas, waxaana Kulanka lagu lafa guray hanaanka si siman oo cadaalad ah ay Jifada Dhexdeda u qeybsan karto Ergooyinka.

Dhamaan Duubab Dhaqameedyada Beesha Ree Siyaad Ugaas ayaa hoosta kawada xariiqay in si degdeg ah soo xulista Ergooyinka u dooran Doona Xildhibaanka ay baarlamaanka Federaalka Ku yeelanayaan Beesha.

Mid kamid ah Waxgaradka Beesha oo Madasha ka hadlay Ayaa Yiri ” Waxaad la socotaan in Kursiga Xildhibaanka ee Beesha Ree Siyaad Ugaas uu yahay kursiga kaliya ee agoonka ah marka loo fiiriyo 14-ka xildhibaan ee ay Beesha Sade ku leedahay baarlamaanka, waa in Musharixiinta Kursigani aan kusoo xulnaa Hanaan Cadaalad ku saleysan, Waxayna waxkastaa Hagaagayaan hadii aan Hagaajinno soo xulista Ergooyinka Xildhibaanka Dooran Doona”.

Waxgaradka ayaa isku raacay in Xildhibaanka hadda Kursiga ku fadhiya uusan Aheyn Musharax Markale raba in Kursiga uu kusoo laabto, taas oo ay sheegeen in Kursigooda uu kaga duwan yahay Kuraasta kale ee Sade Maadaama Xildhibaanada Kale ee Beesha Sade ay Dhamaantood u xarbinayaan sidii ay usoo laaban lahayeen.

Kulankani ay waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Ree Siyaad Ugaas Diini ku yeesheen Magaalada garbaharay ayaa ku soo beegmaya Xilli uu Magaalada ku suganyahay Musharixii ugu horeeyey ee Shaaciyay in uu u taaganyahay Qabashada Xilka Xildhibaanimo ee Beesha Kaas oo lagu magacaabo Injineer Xasan Maxamed faarax Coongaab,

Kulanka ayaa dhinaca kale waxaa uu ka dhacay geed Hoostiis taasi oo muujineysa sida ay waxgaradkani talada u lafa ruugeen, Geedkani ayaa ku dhexyaala guriga uu Garbaharay ku leeyahay Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Gedo Mudane Cali Xaashi Maxamed Aadan, wadatashiganine waa wadatashigii u horeeyey oo Beel Kamid ah beelaha Sade ay kaga arinsato Sida ay usoo xulan laheyd Ergooyinka Soo Dooran Doona Xildhibaanka Baarlamaanka Federaalka u matali doona.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA KULANKA OO GEED HOOSTIISA KA DHACAY.

gar1

gar2

gar3

gar4

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.