Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukun ku Riday dad lagu soo qabtay maandooriye “SAWIRRO”

qamro

Gudoomiyaha Degmada Xamar Jajab Axmed Cisman Dhooro oo ka hadlay goobta ayaa tilmaamay in howlgalka uu mira dhalay, laguna guuleystay in lagu soo qabtay 31 qof oo ku howlanaa waxyaabaha maanka dooriya.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka banaadir Xaashi Cilmi Nuur ayaa sheegay in 27 ka mid dadka lagu xakumay min lix bil oo xarig ah, halka uu ku dhawaaqay in maxkamadda ay sii deysay afar qof, taasi oo wadarta guud ka dhigeysa 31 qof.

“Maxakamadda wareegta waxey u fadhiisatay dacwad ciqaabeedkii loo haystay dad lagu soo qab qabtay howlgal ay sameeyeen ciidanka booliska, kuwaasi oo lagu soo eedeeyay in ay isticmaalayeen waxyaabaha maanka dooriya iyo bistolad, waxayna maxkamadda ku xakuntay 27 qof min lix bil oo xabsi ah”ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir.

mandoriye

qarm

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.